Facebook Oo Xannibtay Bogii Wiilka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Oo Lagu Baahiyay Qoraalo ka Dhan ah Muslimiinta. | Afrikada

Facebook Oo Xannibtay Bogii Wiilka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Oo Lagu Baahiyay Qoraalo ka Dhan ah Muslimiinta.

Afrikada, Isra’el: Wiil uu dhalay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay muddo 24 saacadood ah ka xannibtay ciwaankiisa uu ku leeyahay bartaasi ay bulshada ku xiriirto.

Go’aankaasi ayu sheegay in Facebook ay qaadatay ka dib markii uu soo daabacay mowduucyo dhowr ah oo ka dhan ah dadka Falastiiniyiinta ah iyo Muslimiinta.

Isbuucii la soo dhaafay ayey Facebook bixisay qoraal uu soo dhigay Yair Netanyahu, kaasoo uu “aargoosi ugu tilmaamay” dhimashada 2 falastiiniyiin oo ay daanta galbeed Khamiistii ku dileen askarta Israa’iil.

Waxaa sidoo kale la bixiyay qoraal kale oo wiilkaas 27 jirka ah uu ku sheegay in uu jeclaan lahaa in “dhammaan dadka muslimiinta ah ay isaga baxaan dhulka Israa’iil”.Isagu wuxuu Facebook ku tilmaamay “Booliska la dagaallama fikradaha”.

Balse shirkadda ayaa dhankeeda ku eedeysay inuu sameeyay qoraal nacayb abuuraya.Mr Netanyahu ayaa sannadkii la soo dhaafay soo jiitay cambaareyn fara badan ka dib markii uu baraha xiriirka bulshada soo dhigay qoraallo uu ku naqdinayo qaar ka mid ah dadka dhaleeceeya aabihiis, oo uu ka mid yahay maal qabeenka lagu magacaabo George Soros.Golaha la tacaala meel ka dhacyada loo geysto dadka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid xad gudub ah.

Waxa uu mar caro kala kulmay dadweynaha, maadaama la soo tabiyay in uu qaadi waayay saxarada eygiisa oo ku saxarooday meel aan loogu tala galin.

Maalintii Axada ahayd, Mr Netanyahu ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray hadallo uu ku muujinayay sida uu uga carooday tallaabadii ay Facebook muddo 24 saacadood ah uga xannibtay ciwaankiisa, taasoo uu ku tilmaamay “mid aan la rumeysan karin”.

Dhanka kale, bartiisa Facebook ayuu ku qoray sidan “Booliska la dagaallama fikradaha ee xag jiriinta ah ee ku sugan Facebook anigana way isoo gaareen”.“Xamaas, Xisbullah iyo xukuumadda Iiraan waxay dhammaantood bogag rasmi ah ku leeyihiin Facebook.

Waxaa sidoo kale jira qoraallo la soo dhigo Facebook oo ku baaqa burburinta Israa’iil iyo dilka dadka Yuhuudda ah.

Waxaa jira kumannaan qoraal oo aniga iyo qoyskeygaba nalagu weeraray, waxaana ka mid ah kuwo hanjabaad ah iyo dilal naloogu gooddinayo”.“

Dhammaan waxyaabahan qalalaase kama aha Facebook dhankeeda”.

Afhayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa ayaa sheegay in Mr Netanyahu “uu soo daabacay hadallo nacayb abuuraya” oo ka soo hor jeeda xeerarkooda.“Sidaas awgeed, qoraalkaas waa laga bixiyay barteenna waxaana sidaas ku sameyneynaa qoraal kasta oo noocaas ah” ayaa uu yiri.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Facebook ay sii wadi doonto dhaqan galinta sharciyadeeda.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->