DAAWO Oromada Oo Si Tartiib Tartiib ah Loogu Wareejin Doono DHULKA Soomaaliya oo dhan | Afrikada

DAAWO Oromada Oo Si Tartiib Tartiib ah Loogu Wareejin Doono DHULKA Soomaaliya oo dhan

Afrikada, Ogadenia: Kadib odoros dheer oo soo socday ilaa boqolaal sano, waxaa la ogaaday in dadka Soomaalida meeshii ay dunida ka tagaanba aysan noqon karin dad xasilloon oo maskaxdoodu deggan tahay.

Isbeddello bada ayaa caalamka ka dhacay, waxaana wadammadii kacdoomay ay badankood maanta ku naaloonayaan isbedel iyo nabad shacbiyeed.

Dadka qaar waa ay midoobeen qaar kala go’ dhuleed oo ay sameysteen ayey ku xasileen. Qaarna midoobid iyo is-raac ayey wax ku qabsadeen, hadaba maxaa Soomaali ammaan loo siiyaa oo dunidu u cafisaa? Mase is ogyihiin dembiga ay ku jiraan?

Si kastaba, tusaale waxaa noogu filan dhibaatooyin bulsho oo laga baqayo in ay Soomaaliya ku dhacaan xilli ay weliba is leeyihiin armaad maanta nabad u dhowdihiin ayaa laga yaabaa in si hoose loogu soo socdo.

Isbadalkii ka dhacay Itoobiya waxa uu dhinac marka laga fiiriyo horseeday xoriyatul qawl iyo furfurnaan dhinaca kalana waxa uu sababay in qomiyada Oromada ku hafato xoriyatu qowlkii iyo dabacsanaantii laga dhaxlay isbedalka.

Waxa ay mudda yar gudaheed weeraro isdaba joog ah ku qaadeen qoomiyadihii deriska la ahaa sida Soomaalida, Axmaarada, Benishangul Gumuz iyo ugu dambeyn Herariyiintii.

Weeraradan oo ahaa kuwa abaabulan waxaa ku daatay dhiig badan marka laga reebo kan ay ku qaadeen magaalada qadiimiga ah ee Herar oo ay calnkoodii sudheen.

Hab dhaqanka Oromadu waa gardaro qarab og meel looga dacwoodana ma jirto haddii ay jirtana waa garoowsha la’aan. Oromadu caqli xumo ayaa lagu cayn jirey balse haatan Aby Axmed ayaa u soo baxay kaasi oo xukuumadaha iyo maamullada ka jira Soomaaliya ay isku afgarteen in uu wadooyin uu ka soo galo dalkeenna ka sameysto Kismaayo, Baraawe, Marka, Boosaaso, Berbera iyo weliba iyadoo loo xaar xaarayo oo aad moodo in loo diyaarinayo furdooyin kale oo badan oo ay ka mid yihiin Hobyo iyo Garacad.

Oromadu waa soo socotaa haddii 15-ka milyan ee Soomaalidu ay is moodeen in ay iyagu adduunyada ugu sareeyaan ama camal kasta oo fisqi ah ay nolosha dadka u ku soo dabaali karaan.

Dhanka hoose ee Itoobiya ololuhu ma marayo meel bilow ah, waxa uu marayaa meel dhex dhexaad ah waxaana macquul ah in 100-ka sano ee soo socda Soomaali ka soo huleesho degmooyinka ugu dambeeya ee ay Soomaalida dhulkii la dhihi jirey ay ka deggan tahay. Ilaa iyo hada weeraradii Oromadu ku qaadeen Mooyaale iyo Tulli Guuleed cid loo qabtay ma jirto.

Iska daa in dowlada federaalka Itoobiya ay wax ka qabatee waxaa xabsi loo taxaabay mas’uuliyiintii maamulka Benishangul Gumuz ee isku dayay inay iska difaacaan weerarkii Oromadu ku qaadeen magaalada Assosa.Booliska Federaalka ayaa xidhay 5 masuul oo katirsan maamulka Benishabgul Gumuz oo ay kujiraan madaxweyne kuxigeenkii Dowlada Deegaanka Benishangul Gumuz, hogaankii nabad gelyada, maayarkii magaalada Assosa iyo laba xubnood oo kale.

Xubnahan ayaa lagu eedeeyay hurinta colaadii ka dhextaagan labada qoomiyadood.Su’aasha in la isweydiiyo mudan ayaa ah maxaa masuuliyiintii kililka Oromadana ee rabshadaha ku lug lahaa loo soo xidhi waayey oo hal dhinac oo kaliya loo xidh xidhay ileen rabshidihii dhacay mid laba geesood ah ayay ahaayeene mise masuuliyiinta Oromadu xiligan sharci ma qabto.

Hadii Oromadan yaacaysa sharciga lagu soo dabaali waayo waxaa suurtagal ah in saraynta sharcigu burburto oo ay dhacdo ninkii roon reerka ha u hadho (survival of the fittest).

Xigasho:

HALKA HOOSE KA DAAWO:

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->