Diyaarada Qatar Airways oo bilaabaysa duulimaadkeeda Soomaaliya | Afrikada

Diyaarada Qatar Airways oo bilaabaysa duulimaadkeeda Soomaaliya

Afrikada, DooxaGuddoomiyaha Qatar Airways, Sayid Albakar Al-baakir ayaa ku dhawaaqay in shirkaddoodu ay sanadka soo socda ee 2019 ay bilaabi doonto duullimaadyo toos ah oo ay kaga howl galayso dalka Soomaaliya.Cabdirisaaq Faarax Cali, Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar ayaa sheegay in guddoomiyaha Qatar Airways uu qorshahan ku xaqiijiyay kulan isaga iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ku yeeshay magaalada Dooxa.Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan cali Kheyre ayaa guddoomiyaha Qatar Airways uga mahadceliyay duullimaadka shirkaddoodu ay ka bilaabayso Magaalada Muqdisho.Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maal-gelinta ballaaran ee shirkadaha, ganacsatada iyo dawladda Qatar ay ku maal gelinayaan dalka Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.Lama oga sida uu dhaqan geli doono Go’aanka ka soo baxay maasuliyiinta Shirkada Qatar Airways.Dowlado badan ayaa waxaa ay wadaan qorsho ay diyaaradooda ay kaga howlgali lahaayeen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.Sanadkii 2015-ka ayaa dowlada Qatar waxaa ay sheegtay in ay bilaabi doonto duulimaadka Muqdisho iyo Qatar, inkastoo ay dib u dhigtay.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->