Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!! | Afrikada

Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!

Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay shacabka u qabatay ayaa adduunweynaha waxaa meelaha qaar ka soconaya banaanbaxyo, halka meelaha qaar xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta ay la xisaabtan ku bilaabeen madaxweyneyaasha hogaamiya dowladaha waxqabadkooda la dhaliilay.

Waxaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa 3 madaxweyne oo uu ku jiro madaxweyne Farmaajo.

1-Madaxweynaha Faransiiska: Waa nin da’ yar waxaana Emmanuel Macron uu shacabka dulsaaray canshuuraad dheeri ah isaga oo dadweynaha aan wax horumar ah ku soo kordhinin.

2-Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska: Theresa May waxaa loo doortay in ay ku guuleysato arrimo badan oo horyaalla oo ay ka mid yihiinn ku guuleysiga in ay Boqortooyada Ingiriiska ka saarto Midowga Yurub. Taasi oo ay Theresa May ku guuldareysatay isla markaasina ay haatan dhibaato badan ka soo wajahday. 3-Madaxweyne Farmaajo ayaa isaguna waxaa loogu talo galay in uu shacabka Soomaaliya u soo kordhiyo faa’iidooyin ay ka mid yihiin in uu ka dul qaado kooxaha Al-Shabaab ee xoogga ku heysta meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Walow uusan dareemin ama la qabsan waayey dareenka shacabka, tani waxa ay keentay in Soomaaliya ay ka mid noqoto wadammada wax-garadka ah ee caqligoodu aadka u fiican yahay waxaana dhammaadka sanadka 2018 ee la sii gelayo xilliga 2019-ka ay shacabku iyo mas’uuliyiintooda ku kaceen madaxweynaha aan waxbana ku darin dowladdii federaalka in uu wax ka jaro mooyee, Shacabkaasi oo iyagu daneynaya oo keliya ninka wax tarka leh, balse aan rabin ama kala jeclayn cidii la soo dooran lahaa iyo qabiilka ay tahay iyo ama halka uu ku dhashay.

Hadaba isbedelka xilliyeed ee Soomaaliya ka soconaya waa mid la mid ah midka ka soconaya wadammada Yurub iyo kuwa caalamka ee ku dadaalaya in ay helaan horumar iyo in ay ka baxaan isbedel la’aanta ragaadisay jiritaankooda, taasi oo ah mid cid kasta oo dadaal sameynaysa quseynaysa, runtu waxa ay tahay in aan la dooneynin in dhammaan xilka ay isaga tagaan madaxdaani, balse shacabka iyo wakiilladooda ayaa muujinaya in madaxdaani ay yihiin “dad laga roon yahay oo caqligoodu uusan taam aheyn” Iyadoo sida ka muuqata madaxweynaha Faransiiska uu raalli geliyay shacabkiisa, Theresa May haatan iyadu codkii kalsoonida ayaa lagala noqday, Balse madaxweyne Farmaajo si isla weyni ah ayaa uu uga aamusan yahay dadkiisa, tanina ma soo kordhineyso wax aan ka aheyn in ay dadkiisa iyo dalkiisa ahaadaan kuwo si fiican kalsoonida ugala noqda, waana ay dhacdaa madaxweyne in ay shacabku ugu galaan madaxtooyadiisa oo ay iyagu xilka gacantooda uga qaadaan si la mid ah sidii ku dhacday Samuel Doe-gii Leybeeriya, haddii uusan u dhega nuglaan shacabka Soomaaliya oo iyagu kursiga boqortooyada ku fariisiyey, shakina kuma jiro in arrintu ay haatan heer korriimo ku jirto!!.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->