Dhaqaalaha wadanka Soomaaliya oo kobac dhaqaale gaaray 3.1 sanadka sii dhammaanaya ee 2018. | Afrikada

Dhaqaalaha wadanka Soomaaliya oo kobac dhaqaale gaaray 3.1 sanadka sii dhammaanaya ee 2018.

Afrikada, Nairobi:  Wadanka Soomaaliya ayaa gaaray kobac dhaqaale oo dhan 3.1 sanadda sii dhammaaneysa ee 2018, waxaana dalku uu ku jiraa heer uu ka soo kabanayo abaarihii kadib beerihii oo meesha ka baxay sida ay sheegtay laanta lacagaha dunida ee IMF maalinimadii Talaadada.

Waxa ay sheegtay in ay ku qiyaastay wax soo saarka gudaha in uu marayo 3.1 boqolkiiba sanadkan halka uu ka ahaa 2.3 boqolkiiba sanakii 2017-kii.

Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in wadanka Soomaaliya uu dhoofsado muuska isla markaasina uu soo saaro galley. “Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa 2018 waxa uu ahaa mid ka soo kabanayye abaarihii dhacay sanadihii 2016–17.

Waxaana sanadahaasi kadib la helay xilli roobeedyo gacan ka geystay dib u soo kabashada dhaqaale, gaar ahaan dhanka beeraha iyo dhinacyada xoolaha ayaa ka nabadgelay dhibaatooyinkii laga cabsi qabey in ay ku dhacaan, iyadoo dhammaan arrimahaasi kor ku xusan ay sahleen in cuntooyinka suuqyadu sicirkoodu hoos u soo dhaco, sida warbixintu sheegtay.

Hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa rajeynaysa in dalku gaaro 3.5 sanadkani 2018 oo sii dhammaanaya tani oo la sheegayo in ay ka hooseyso heerkii dalku marayey sanadkii 2016-kii.

Soomaaliya ayaa waxaa ragaadiyey mashaakil dagaallo sokeeye tan iyo 1991-kii kolkaasi oo hogaamiye kooxeedyo ay xukunka ka tuureen Maxamed Siyaad Barre kadibna iyagii isku jeesteen. 10-kii sano ee ugu dambeeyay ayaa sidoo kale waxaa dalka ku habsaday “Nidaam Wax Iska Caabin ah” taasi oo ay bilaabeen kooxo la shaqeeya urur weynihii Al-Qaacida kooxahaasi oo la magac baxay al Shabaab, intaa kadibna waxa jirey dhibaatooyin macluul iyo Burcad-Badeednimo.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->