DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya? | Afrikada

DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?

Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha taasi oo iibsatay 32 shati oo badweynta Soomaaliya kalluunka looga guranayo ayaa arrintani waxa ka carooday maamulka Somaliland.

War ay soo saartay Somaliland ayaa lagu sheegay in arrintaasi ay khatar ku tahay madaxbanaanida dadka Soomaalida ah oo dhan.

Shirkadda la siiyay ruqsada ayaa lagu magacaabaa COFA oo laga leeyahay dalka Shiinaha, ruqsad bixintan ayaa ah markii u horeysay muddo 30 sano ah oo si daah furan loo bixiyo shatiyo kalluumeysi ah oo la siinayo iskaashatooyin shisheeye ah.

Shiinaha oo Kenya ka soo xirtay ganacsi ku saabsan kalluunka:

Wararka ay Kenya shaacisay ayaa sheegaya in Shiinaha uu heshiis kula galay Kenya in uu kalluun siin doono isaga oo uga bedelanaya mashaariic iyo lacag aad u badan. Waxaana Kenya ay ka cabatay kalluunka sharci darrada ah ee ka soo gudbaya xaduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Heshiiska kadib ayaase Shiinuhu waxa uu u soo ruqaansaday Soomaaliya isaga oo la shiray kalluumeysatada yar yarka ah, shirkadaha yar yar ee jillaabatada ah markii uu la shiray ayaa waxa ay u sheegeen in uu ruqsad ka raadsato dowladda dhexe iyo maamullada dalka, Waxaana Shiinaha ay aadeen dowladda dhexe waxaana heshiisyo kadib ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo shirkadaha dowliga ah ee China in ay iibsadaan shatiyada halkaasina ay badda ka qaadan karaan kalluunka nooca loo yaqaan Tuunaha.

Shiinaha oo ka duulaya kalluunka ganacsatada Soomaalida ee ka gudba xaduudka Kenya, ayaa haatan bilaabay in uu cuuryaamiyo kalluumeysatadii Soomaalida ee kalluunka geyn jirtey Kenya, waxaana Shiine ay sheegeen in ay iyagu Kenya u daabulayaan kalluunka.

Maamullo badan oo dalka Soomaaliya ka jira ayaan la ogeysiinin howshani waxaana ka mid ah jamuuriyadda iskeed isku taagtay ee Somaliland.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->