Xukuumadda federaalka Oo Turkiga kala hadashay mashruuca dhismaha 10-ka kun ee Guri | Afrikada

Xukuumadda federaalka Oo Turkiga kala hadashay mashruuca dhismaha 10-ka kun ee Guri

Afrikada, Muqdisho: Dowladda federaalka ayaa wadahadallo la yeelatay madaxda dowladda Turkiga ee qaabilsan dhanka guriyeynta. 

Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geesey) oo ah wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda FS oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha iskaashiga labada dhinaca.

Wasiirka Geesey ayaa la kulmay Wasiirka magaalaynta iyo deegaamaynta Turkiga Maxamed Amiin, waxaana ay si gaar ah uga wada hadeen mashruuca Turkigu u balanqaaday Soomaaliya ee dhismaha 10-kun oo Guri.

Mudane C/fitaax Geesey ayaa sidoo kale la kulmay madaxda hey’adda Guriyeynta ee dalkaasi Turkiga iyo hay’ado kale oo dhinaca horumarinta dibadda ka shaqeeya, kuwaas oo muuujiyey inay qayb ka qaadanaayan dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiir Geesey ayaa isagu ku sugan wadankaasi Turkiga isaga oo howlihiisa ay ugu weyn yihiin sii xoojinta dhanka dhismaha iyo guriyeynta.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho
- May 14, 2019
Afrikada, Muqdisho: Qarax ayaa ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir waxaana la sheegay ...
Askari Uganda u dhashay oo dilay taliyihiisii kadibna isagii is-dilay
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Mid ka mid ah ciidammada wadanka Ugaandha ee ku sugan magaalada ...
DAAWO: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Fashil weyn ku tilmaamay Shirkii Garoowe
- May 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay afka qabsadeen mucaaradka badanaa dhaliila dowladda federaalka ayaa hadana ...
Axmed Madoobe oo ka huleelay shirkii Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynaha ismaamulka Jubaland ayaa ka huleelay shirkii magaalada Garoowe uga socday ...
PRESS RLS: Axmed Ducaale Xaaf oo isaga baxay shirka Garoowe
- May 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: War-saxaafadeed ka soo baxay ismaamulka Galmudug ayaa looga hadlay kulan in ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->