Shiinaha oo u yeeray safiirka Kanada ee fadhiya caasimadda Shanghai | Afrikada

Shiinaha oo u yeeray safiirka Kanada ee fadhiya caasimadda Shanghai

Afrikada, Shiinaha: Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa u yeertay safiirka Kanada u fadhiya Shiinaha ambassador John McCallum.

Mas’uulka Kanada ee fadhiya dalka Shiinaha ayaa laga doonayaa in uu cadeeyo sababta loo xiray haweenayda ka socotay shirkadda caalamiga ah ee Taleefannada gacanta soo saarta ee Huawei.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ku boorisay wadanka Kanada in uu si deg deg ah u sii daayo haweenayda isla markaasina uu tixgeliyo nidaamka iyo weliba xuquuqdeeda dhanka sharciga.

Waxaa sidoo kale uu Shiinuhu ka digay Kanada in ay cawaaqib kala kulmi doonto isla markaasina ay dusha u ridan doonto mas’uuliyadda iyo wixii ka yimaada arrinta xiritaanka haweeneydaasi oo gudoomiye ka aheyd shirkadaasi taleefannada ee Huwei.

Haweentani oo lagu magacaabo Meng Wanzhou, ayaa sidoo kale waxaa dhalay aasaasaha shirkadda Huawei haweenaydaasi shirkadda aasaastay oo lagu magacaabo Ren Zhengfei.

Waxaa la sheegay in Kanada ay u xirtay haweeneyda Meng Wanzhou kadib codsi ka yimid madaxda wadanka Mareykanka kolkaasi oo la sheegay in Mareykanku ay diyaarad ka qaadatay iyada oo ku sii jeeday magaalada Vancouver ee dalka Kanada Bishan Diseembar 1-deedii.

Wararku waxa ay sheegayaan in arrintan ay saameyn ku yeelatay saamiyada ganacsiga ee suuqyada caalamiga ah kadib markii maareeyaha shirkadda Huawei lagu xiray Kanada.

Huawei ayaa dhowaan ka sare martay shirkaddii Apple iyadoo noqotay Huawei shirkadda labaad ee caalamka taleefannadeeda laga isticmaalo kadib marka laga soo tago shirkadda Samsung Electronics, arrimahaani oo Mareykanku aad isha ugu hayey isla markaasina uu ka biyo diidanaa in arrintani suuqweynaha ka dhacdo.

Xiritaanka haweenayda mas’uulka ka ah shirkadda Huawei Mrs. Meng Wanzhou¬†ayaa ku aadaya wax yar kadib kulankii madaxweyne Donald Trump iyo madaxweynaha wadanka Shiinaha Xi Jinping kulankaasi oo asbuucii tegay ay isku waafaqeen labada mas’uul in ay hakiyaan dabka ka shidan ganacsiga labada wadan ee Shiinaha iyo Mareykanka.

Meng Wanzhou, gudoomiyaha shirkadda Huawei ee soo saarta Taleefannada gacanta.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->