Ruushka iyo M/weyne Al Assad oo lagu eedeynayo in ay ka been sheegayaan weerarkii kemikaad ee dalka Suuriya | Afrikada

Ruushka iyo M/weyne Al Assad oo lagu eedeynayo in ay ka been sheegayaan weerarkii kemikaad ee dalka Suuriya

Afrikada, Syria: Mareykanka iyo Britain ayaa ku eedeynayaa xukuumadaha Ruushka iyo Syria in ay ka been sheegayaan weerarkii keemikada ee la sheegay in lagu qaaday goobaha ay ku xooganaayeen oo ay haysteen xoogaga kasoo horjkeeda dowlada bashaar Al-Asad.

Xukuumadaha London iyo Washington ayaa ugu digay dowlada Moscow in ay hor istaagto dadaalada lagu doonayo in nabad iyo xasilooni waarto laga abuuro dalka Suuriya, oo sanadihii lasoo dhaafay ay dagaala ka socdeen.

Wasiirka difaaca ee dowlada Ruushka ayaa ku eedeeyay xoogaga mucaaradjka ee dalka Suuriya in ay sunta koloriinka ku isticmaaleen caasimadda Aleppo oo ay ciidanka dowlada weli fadhiyaan, waxaana bishii aynu soo dhaafnay ee Nofembar 24-keeda la sheegay in 100 qof oo shacab ah isbitaalada Aleppo la seexiyay kadib markii ay neefsan waayeen oo ay suntan saamayn ku yeelatay.

Hase yeeshee mucaaradka ayaa eedayntan iska fogeeyay waxayna ku eedeeyeen ciidanka dowlada suuriya iyo ruushka oo iskaashanaya in shacabka caasimadda Aleppo ay keemiko ku weerareen.

Xukuumadda Washington ayaa sheegeysaa in ay gacanta ku haysa cadeyma ku filan oo muujinaya in Aleppo lagu isticmaalay kemiko, oo lagu dhibaateeyay xoogaga mucaaradka iyo shacabka rayidka ah ee halkaasii ku sugan.

Gaaska ‘Sarin’ ee halista ah ayaa bishii April ee sanadkii 2017-kii lagu weeraray magaalada Khan Sheikhoun, waxaana halkaasii lagu dilay 83 qof oo dad shacab ah ay u badnaayen.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->