Dowladda Qadar Oo ku gacan Seyrtay Casuumadii Boqor Salmaan | Afrikada

Dowladda Qadar Oo ku gacan Seyrtay Casuumadii Boqor Salmaan

Afrikada, Dooxa: Wadanka Qadar wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in amiirka wadankaasi uu ku gacan seyray casuumaad dhowaan uga timid wadanka Sacuudiga.

Amiirka Qadar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa ku gacan seeray in uu ka qeyb galo shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka oo maanta ka furmaya magaalada Riyaadh.

Afhayeen u hadlay boqortooyada Sacuudi Caraabiya ayaa sheegay in Amiir Tamim uu ka baaqsaday in uu ka qeyb galo shirka maanta ka furmaya magaalada Riyadh, waxa ayna dowlada Qadar shirkan u dirtay wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ku metalaya.

Boqor Salmaanka boqortooyada Sacuudiga ayaa martiqaad aan horey loo fileyn waxa uu u soo diray Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani. Waxaase casuumaadaasi noqotay si aan la fileynin iyadoo Amiirka wadanka Qadar uu soo bixiyey jawaab deg deg ah.

Isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo ayaa xiriirka u jaray dowlada Qadar, Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa iyagu waxa ay hore xayiraad ugu soo rogeen wadankaasi Qadar iyaga oo weli ku haya xayiraad aad u daran.

Turkiga ayaa ka badbaadiyey wadanka Qadar in la sii cunaqabateeyo isaga oo ku dhawaaqay in dalkaasi yar ee Qadar aan la weerari karin haddii kale cawaaqib xumo ay ka dhalan karto.

Diidmada haatan ay Qadar ku gacan seyrtay casuumaadii Boqorka Sacuudiga ayaa noqoneysa mid weji gabax ku ah Boqortooyada xilli ay Boqor Salmaan iyo wiilkiisa dhaxal sugaha ahi ay aad ugu ceebaysan yihiin fadeexaddii ka soo gaartay dilkii weriye Jamal Khashogji lagu dilay wadanka Turkiga.

Amiirka Qadar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa isagu qaabilaadani shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka u arka mid ‘Cadkiisa Xun’ loo tuurayo wadanka Qadar. Waxaana arrintan ay ku soo beegmaysaa xilli ay Qadar ku dhawaaqday in ay ka baxday ururkii wax soo saarka saliidda ee Sacuudigu hor boodo.

James N. Mattis (Sii jeeda) oo kulan la qaadanaya Amiirka wadanka Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, kulankan oo ka dhacay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee “The Pentagon”¬† ee caasimadda¬†Mareykanka ee Washington D.C., Apr. 9, 2018. (DoD photo by Army Sgt. Amber I. Smith)

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->