Wiil 7 jir ah oo $22 milyan ka sameeya Youtube-ka | Afrikada

Wiil 7 jir ah oo $22 milyan ka sameeya Youtube-ka

Afrikada, USA: Wiil 7 sanno jir ah oo ka faalooda qalabka ay carruurta ku ciyaaraan ayaa la sheegay in uu noqday qofka lacagta ugu badan ka sameeya shabakadda Youtube.

Sida ay qortay majalladda Forbes ee looga hadlo hodantinimada adduunka ayaa lagu sheegay in sannadkii wiilkan yar uu sameeyo $22 milyan doolar, lacagtan oo aysan ku jirin canshuurtii laga qaadi lahaa iyo qarashaadkii kale.

Wiilkan yar oo magaciisu yahay Ryan ayaa waxa uu ka sare maray dadka Youtube-ka caanka ka ahaa sida ninka lagu magacaabo Jake Paul, kaas oo uu ka sareeyay lacag dhan nus malyuun doolar.Waxaa kaalinta seddexaad soo galay Dude Perfect, isaga oo hela lacag dhan $20 milyan doolar.

Mar taleefishinka NBC uu Ryan weeydiiyay sababta kanaalkiisa ay caruurta u jecelyihiin ayaa waxa uu yiri “Waan madadaaliyaa, waanan u majaajileeyaa”.

Waxa uu kanaalkan furey sannadkii 2015-kii, muuqaalada qaarna waxaaba la daawaday 26 milyan oo jeer, waxaana ku xiran 17.3 milyan oo qof.

Lacagta waxaa laga sameeyaa xayaysiinada soo muuqda marka uu muuqaalka bilaabanayo.Qalabka ay carruurta ku dheelaan ee kusoo baxa kanaalka Ryan ayaa la sheegay in markiiba la wada iibsado.

Bishii Agoosto, shirkadda Walmart ayaa soo saartay qalab gaar ah oo lagu xardhay magaca Ryan.Maadaamaa uu weli ilmo yahay, 15% ka mid lacagta uu sameeyo ayaa lagu xareeyaa sanduuq bangi gaar ah, wuxuuna isticmaali karaa marka uu qaangaaro.

Xigasho BBC

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->