Aby Axmed Oo Dadka Yemen U Diray Fariin Qiiro Xambaarsan “Waxaad Tihiin Dadkii Dhulalka Barakeysan ee lagu sheegay Qur’aanka Kariimka..” | Afrikada

Aby Axmed Oo Dadka Yemen U Diray Fariin Qiiro Xambaarsan “Waxaad Tihiin Dadkii Dhulalka Barakeysan ee lagu sheegay Qur’aanka Kariimka..”

Afrikada, Addis Ababa: Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Md. Abiy Ahmed ayaa war saxaafadeed baaq nabadeed ah ka soo saaray colaada ka taagan dalka Yemen.

Abiy Ahmed ayaa dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ugu baaqay in ay joojiyaan colaada, isla markaasina ay dib u soo celiyaan nabadda iyo deganaanshiyaha dalkaasi iyaga oo adeegsanayay wada hadal.

War saxaafadeedkan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu yidhi sidan, “Idinka oo isticmaalaya miiska wada-hadalka falanqeeya xaalada bulshadiinu ay ku sugan yihiin, ka fikira waxaa wanaagsan, waydin heshiin ama waydin heshiin waayi, idinka oo aan dhiig daadin dadkuna ay joogaan guryahooda”

Sidoo kale raysal wasaare Abiy ayaa bushada Yeman u soo jeediyay inay caruurtooda u dhisaan mustaqbal kan ka wanaagsan waxana uu qoraalkiisa ku yiri.

“Qorsheeya horumarkiina oo ilaashada ilbaxnimadii aad safka hore kaga jirteen caalamka waqtiyadii hore, ka fikira wixii dhibaato dalkiina kaga yimid colaada sokeeye, ka fikira wanaaga uu dalkiinu u baahan yahay, ka fogaada fikirada diimeed iyo kala fogaynta dadkiina” ayuu ku soo gabagabeeyay war saxaafadeedkiisa.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->