DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo? | Afrikada

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?

Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey wixii uu kala soo kulmay shirkii hadal-heynta badan dhaliyey ee hogaamiyeyaasha Eritrea, iyo Itoobiya uu kula yeesha magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya.

Waxa uu madaxweynaha uu tilmaamay in 30-Sano ka hor faragelin lagu haayay Soomaaliya sigaar ah ay ku heysay Dowladda Federaalka Itoobiya faragelin toos ah arrimaha Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si farsameysan dadkiisa u dejinaya xilli uu bartanka kaga sugan yahay shirar iyo kulamo hoose oo afka laga sheegayo in ay yihiin kuwo horumar soo wada.

Soomaaliya ayaa midow ka raadineysa wadammo masaafo dheer u jira iyada oo gobolladii dalka iyo dhulka maqan ee Somaliland ay dowladaha iyo madaxda Koonfurta soo mara ay dib u dhigtaan xalinteeda, tani oo kala qeybisay jiilalkii Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu la kulmay dhowr Sano kahor Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Xayle Mariam, isla markaana uu ka dalbaday in ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan dalka Soomaaliya.

Si kastaba, madaxda Soomaaliya ayaa waqtiga isaga qaada kulamo ay la yeeshaan hogaamiyeyaal dhaqaale ku soo qaatay in ay wareeriyaan jamhuuriyadda cardunka ah ee ku mashquulsan dib u heshiin iyada dhexdeeda ah. Soomaaliya ayaa ah wadan la mashquulinayo iyada oo hogaamiyeyaasha Eritrea, iyo Itoobiya ay ka muuqato in ay ku daneysteen Farmaajo, sida khudbadda hoose aad ka arki doonto Farmaajo ma uusan keenin mashaariic, ciidan AMISOM u xoojiya, ama faa’iido laga kaalmeynayo dib heshiisiin dhex dhigista dadkiisa kala goo’go’an, Waxaana shacabka Soomaaliyeed ee diifta la ildaran ay u jeedaan in Farmaajo u daneeyay Eritrea, isaga oo Aby Axmedna doonayo in uu Nobel Peace Prize ku helo Farmaajo madaxiisa.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

READ MORE:  XOG MUHIIM AH: Sidee Axmed Madoobe Si XUN Loogu Soo Bahdilay Itoobiya, muxuuse kala soo kulmay Abiy Ahmed?

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
DHAGEYSO: Xildhibaanadii Mooshinka keenay Amar ku bixiyey in Farmaajo uusan dalka ka bixi karin?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo saaray ...
Gudoomiye Mursal Oo gurigiisa laga jaray Korontada, Biyaha iyo Cuntada?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal ayaa go'aan ku gaaray in uu ...
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Oo loo Ogolaaday In ay la Kulmaan Gudoomiye Mursal
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya ee iyagu hogaaminaya aqlabiyadda inta badan ee ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->