UN Monitoring Group: “Dowladda Soomaaliya ma xakameyn karto hubkeeda, suuqyada ayaa lagu iibiyaa” WARBIXIN SANADEED. | Afrikada

UN Monitoring Group: “Dowladda Soomaaliya ma xakameyn karto hubkeeda, suuqyada ayaa lagu iibiyaa” WARBIXIN SANADEED.

Afrikada, Muqdisho: Warbixin dheer oo ay soo saareen Kooxda Qaramada Midoobey la socodka Cunaqabateynta ee Somalia iyo Eritrea (SEMG) ayaa lagu sheegay in hubka soo gala Soomaaliya loo adeegsado qaab siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu Muqdisho ka qaado cunaqabateynta hubka mustaqbalka dhow.

Warbixintan waxaa ku jirta in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale.

Qoraalkan, waxaa kale oo lagu sheegay in Soomaaliya aaney u hoggaansamin cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayey xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay dowladda keensato, waxaa ay diiday Villa Somalia in ay Qaramada Midoobey arkaan meelaha hubka yaalaan, iyada oo la ogaaday in hubka ay dowladuu leedahay suuqyada u iib-geeyaan saraakiil ciidamada ah (kuwo hoose iyo kUwo sare), mas’uulyiin xukuumadda ka tirsan.

Hubka oo lala baxo, iibintiisa gaar ahaan kuwa keydan sida nooca RPG-7, waxaa ay caqabad ku tahay xasiloonida siyaasadeed, taasi oo sii adkeyneysa qeybinta iyo dusinta hubka ay aad ugu sareyso gudaha Soomaaliya.

Hubka ay Dowladdu Heshay: 20,000Sida ku qoran warbixinta SEMG, dowladda Soomaaliya waxaa ay heshay ilaa 20,000 oo qori iyo 75 million oo rasaas ah, oo ay ku jiraan 70,000 oo ah RPG-7, waxaa kale oo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay dowladda Soomaaliya inay hesho kadib markii laga qafiifiyey cunaqatabeynta hubka iyo midka rasmiga ah ee ay heystaan ciidamada xoogga dalka.

Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno “Baasuukaha 7” la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May 2018, waxaa sidoo kale loo diiday SEMG inay soo arkaan.

Warbixinta Qaramada Midoobey waxaa ku jirta in hub ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta u galeen ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.Qoraalka UN-ka waxaa ku jirtay oo kale, in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay gudaha Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen ama ay aheyd inay yaalaan bakhaarada ciidamada dowladda.

Ugu dambeyntii, Qoraalkan UN-ka, waxaa lagu sheegay in hubka dowladda Soomaaliya ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado, oo aaney xakameyn Karin, waxaa ay tusaale usoo qaateen wixii ka dhacay xerada Gordon, oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000.

Xigasho: Goobjoog News

READ MORE:  DHAGEYSO: Madaxweyne Cabdiweli Gaas Oo War Cusub ka soo saaray Dagaalka TUKARAQ

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
DHAGEYSO: Xildhibaanadii Mooshinka keenay Amar ku bixiyey in Farmaajo uusan dalka ka bixi karin?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo saaray ...
Gudoomiye Mursal Oo gurigiisa laga jaray Korontada, Biyaha iyo Cuntada?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal ayaa go'aan ku gaaray in uu ...
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Oo loo Ogolaaday In ay la Kulmaan Gudoomiye Mursal
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya ee iyagu hogaaminaya aqlabiyadda inta badan ee ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->