Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo | Afrikada

Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo

Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u codeeyaan qaraar cunaqabateynta looga qaadayo Eritrea, iyadoo warbixin laga dhageysan doono Guddiga la socodka cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea.

Xubnaha 15-ka dal ee Golaha Ammaanka ayaa loo soo jeedin doonaa qaraarka cunaqabateynta looga qaadayo Eritrea, waxaana kaliya u baahan tahay 9 cod.

Qaraarka cunaqabateynta hubka looga qaadayo Eritrea ayaa waxaa soo gudbisay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah xubnaha joogtada ee 15-ka dal ee Golaha Ammaanka, isla markaana ah 5-ta dal ee codka qayaxan ee VETO ku leh Golaha.Eritrea ayaa rajo weyn ka qabto in laga qaado cunaqabateynta saaran ee dhinaca hubka, socdaalka, hantida iyo kuwa kale, waxaana Eritrea ka bixi doontaa go’doonka ay ku jirtay sagaalkii sano ee la soo dhaafay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkii 2009 cunaqabateyn ku soo rogay Eritrea, kaddib markii lagu eedeeyay inay hub siiso ayna taageerto Al-Shabaab, isla markaana diiday xal u helidii muranka xuduuda ee u dhaxeeyay iyaga iyo Jabuuti.

Is bedelka ka dhacay Gobolka iyo Itoobiya ayaa albaabada u furay inuu caadi ku soo laabto xiriirkii diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Eritrea, kaddib 20 sano oo colaad u dhaxeysay.

Dhinaca kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobeya ayaa sanad kale ku kordhin doona cunaqabateynta saaran Soomaaliya, waxaa la filayaa in la gaarsiiyo 15 November sanadka 2019.

READ MORE:  Doorashooyinkii K/galbeed oo mar kale dib loo dhigay

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->