DHAGEYSO: Dad ku sumoobay Hilib ay cuneen

Afrikada, Galgaduud: Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in degaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ay dad badani ku sumoobeen hilibka xoolo ay qasheen.

Dadkaan oo ah reer miyi ah ayaa waxa ay ku sumoobeen hilib geel ay cuneeyn iyaga oo isugu yimid meel alle bari ah.

1-ruux ayaa u geeriyooday suntaasi halka dad kale oo aad u badana lagu dabiibayo isbitaalada degmooyinka Balan-Bale iyo Guriceel ee Gobolka Gal-Gaduud.

Gudoomiyaha Degmada Balan-Bale ee gobolka Gal-Gaduud Jaamac Xeyle Maxamuud oo la hadlay saxaafadda ayaa faah faahin ka bixiyay falkaasi iyo sida uu u dhacay.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka iyo ganacsatada in ay caawiyaan dadkaasi la dhibaateeysan sunta.

Muddo ka hor Geel aad u tiro badan ayaa laga soo celiyay Carabta iyadoo sheybaarada xooluhu ka digeen in xoolahaasi aaney ku fiicneyn cunista hilibkooda sababo la xiriira cuduuro halis ah oo laga helay, balse talooyinka sheybaarradu soo gudbiyeen ayaan xisaabta ugu jirin geel dhaqatada, waxa ayna u qaataan badanaa in xoolahooda xumaan laga sheegayo.

READ MORE:  Rabshado ka dhacay Uganda kadib markii la dilay Xildhibaan

Wadanka Soomaaliya ayaa reer miyigiisu waxa ay aad ugu baahi qabaan horumarin dhanka caafimaadka xoolaha ah si aysan ugu sumoobin hilibka iyo caanaha xoolaha.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Askar Gaysatay Dhac U geysata Dadka Oo maxkamadda Ciidammada la soo taagay
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay ...
AKHRISO:Dowlada Itoobiya & Jabhada ONLF Oo Heshiisyo Nabadeed Ku kala Saxiixday Asmara
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa maanta magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku ...
AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->