DHAGEYSO: Cabdalla Cabdalla oo ka jawaabay darajo Xayuubintii uu Farmaajo ku sameeyey? | Afrikada

DHAGEYSO: Cabdalla Cabdalla oo ka jawaabay darajo Xayuubintii uu Farmaajo ku sameeyey?

Afrikada, Muqdisho:  Dhowaan waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada aad u hadal hayeen xil ka xayuubintii taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya (NISA), Cabdalla Cabdalla, oo bishii September wareegto Madaxweyne xilka looga qaaday.

Taliye xigeenkii hore ee NISA oo la waydiiyey Su’aal ku saabsan darajadii uu dhawaan ka xayuubiyey Madaxweyne Farmaajo ayaa arrintaas ku tilmaamay inay tahay Sharci darro baalmarsan Dastuurka Dalka u yaal

Wuxuu sheegay inuusan Madaxweynaha awood u laheyn inuu darajada ka qaado isagoo arrintaas daliil uga dhigtay Qodobka 90-aad ee Dastuurka dalka u yaal kaasoo uu dalka ku hagayo Madaxweynaha la doortay ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

HALKA HOOSE RIIX KA DHAGEYSO CODKA: 

Cabdalla Cabdalla ayaa ka dhawaajiyey in Hantida iyo Darajada ay yihiin waxyaabo uu shakhsiga si gaar ah u leeyahay isla markaasna aan qofka laga qaadi karin ilaa uu kasoo baxo go’aan Maxkamadeed oo ku saleysan fal dambiyeed qofka lagu soo caddeeyey.

Wuxuu sheegay inay markaas maxkamadda awood u leedahay inay qofka Hantidiisa iyo Darajadiisa ka qaadato balse wuxuu sheegay inaan hab raacaas loo marin darajadii laga qaaday dhawaan.

READ MORE:  DHAGEYSO: Itoobiya oo deg deg u soo fara gelisay Khilaafka DF iyo Dowlad Goboleedyada?

Mar la waydiyey Cabdalla Cabdalla in darajadii laga qaaday ay sabab u aheyd eedeyntii ku aadaneyd inuu banaanka u bixiyey sirta iyo xogaha Hey’adda Nabadsugidda ayuu sheegay inaysan jirin cid isaga soo dacweysay.

Taas badalkeeda wuxuu sheegay inuu isaga wax dacweeyey isla markaasna uu Taliyaha iyo Taliye xigeenlka Nabadsugidda kusoo oogay dacwad ku saabsaneyd inay xiriir toos ah la leeyihiin Ururka Al-Shabaab xiriirkaasna uu socday muddo badan.

Wuxuu tilmaamay in isagoo sugayo in dacwadda uu gudbiyey la qaado isla markaasna labadaas Mas’uul lasoo taago maxkamad isaga laga qaaday darajadii uu u hayey Qaranka sida uu hadalka u dhigay.

Cabdalla Cabdalla ayaa hadda ku sugan Dalka Debadisa, waxaana laga qaaday Baasaboorka Service-ka uu watay markii uu Garoonka ka duulayey, wuxuuna markii dambe safarkiisa ku sii watay Baasaboor Jabuutiyaan ah.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->