Tirada Dhimashada Bas ku rogmaday Kenya Oo kor u sii kacday

Afrikada, Nairobi: Bas ku rogmaday wadanka Kenya ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad tiradoodu 50 ruux, baska ayaa ka soo ayaa  ruux oo qur ah.

Shilka baskan ayaa ka dhacay habeenimadii xalay niskii dambe waxaana uu ka dhacay tuulada Fort Ternan ee ku taala inta u dhaxeysa ismaamul goboleedyada Kericho iyo Nairobi.

Shilka ayaa yimid ka dib markii baska uu waddada ka baxay sida ay booliisku sheegeen, boolisku waxa ay beeniyeen in darawalkii baska wadey ay hurdo la tagtay, kadibna sidaas uu basku wadada uga baxay.

Taliyaha booliska wadooyinka (laanta traafikada) Mr Samwel Kimaru ayaa sheegay in saraakiishu ay intii karaankooda ah sameynayaan sidii ay shilalka wadooyinka ku baajin lahaayeen.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN:

Samwel Kimaruayaa sheegay in sababo la xiriira wadooyinka oo mashquul ah iyo xilliyada feestooyinka sanadka dhammaadkiisa oo soo dhow ay arkaan shilal noocan ah oo tiradoodu kor u kacdo sanad walba.

Wararka ayaa sheegaya in baskani markii uu wadada ka baxay ay markii hore geeriyoodeen 40 qof hase yeeshee markii dadka loo qaaday isbitaalka ayaa tirada dhimashadu waxa ay gaartay 50, tani oo ka dhigaysa in halkaasi ay 2 qof ka badbaadeen rakaabkii guud ee baska saarnaa.

READ MORE:  DEG DEG: XASAN KHEYRE Oo kala Ceyriyay Wasiiradii Xukuumadda Federaalka-Calaamad GUULDAROOYIN ay Dowladdu Dhex-Dabaalaneyso

Qof ka mid ah dadka degaanka uu Shilku ka dhacay ayaa sheegay “Qaybtii sare oo baska ayaa go’day darawalku uu xakamayn waayay gaariga”.

Marka laga soo tago dhimashada 50-ka qof ah ayaa waxaa dhaawac ah tiro kale kuwaaso lagu dabiiyo isbitaalada degmoyinka la kala yiraahdo Fort Ternan iyo Muhoroni.

James Mogera oo ah taliyaha booliska ee ismaamulka Kericho ayaa sheegay in darawalka gaariga uu lumiyay kontoroolka taaso sababtay inuu qadka kabaxo islamarkaana dhowr jeer rogmado.

Walow shilal badani ay ka dhacayeen deeganada qaar ee dalka ayaa hadana shilkani xalay xhaatan dhacay waxa uu noqonayaa kii ugu xumaa ee ka dhaca dalka Kenya

Booliska wadooyinka ayaa sheegay in sanadkan oo keliya ay wadooyinka ku geeriyoodeen dad dhan ilaa 2,345 kuwaasi oo ku le’day wadooyinka waaweyn ee guud ahaan wadankaasi Kenya.

SAWIRKA BASKA:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Askar Gaysatay Dhac U geysata Dadka Oo maxkamadda Ciidammada la soo taagay
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay ...
AKHRISO:Dowlada Itoobiya & Jabhada ONLF Oo Heshiisyo Nabadeed Ku kala Saxiixday Asmara
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa maanta magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku ...
AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->