Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Oo xukun ku riday eedeeysaneyaal Al-Shabaab ah? DAAWO SAWIRADA

Afrikada, Muqdisho: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukuno kala duwan ku riday xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo horay ay gacanta ugu soo dhigeen ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Salaad Nuur iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa loo heystaa in ay ka wada tirsan yihiin Al-Shabaab gaar ahaan kooxda ay ugu yeeraan amniyaadka, waxaana ciidamada amniga ka soo kala qabteen degmooyinka Cabdi-caziiz iyo Warta Nabadda.

Eedeysanaha koowaad ayaa Al-Shabaab kaga biiray gobolka Shabeellaha Dhexe sanadii 2015 gaar ahaan halka loo yaqaano Gamboole, waxa uu tababar seddax bil ah ku soo qaatay xero ku taalo duleedka Gamboole halkaasi uu ku bartay isticmaalka hubka fudud iyo tuurista bam gacmeedka (F1).

Gacal Maxamed Cali Maxamed oo ah eedeysanaha labaad ayaa iska diiday dhammaan eedaha loo jeediyay oo ay kamid ahaayeen in uu magaalada ku soo dhaweeyay eedeysanaha koowaad  ayna wada deganaayeen hal guri  sidoo kale ay  lahaayeen hal horjooge oo isagana ugu war dambeysay isagoo joogay halka loo yaqaano Sabiid, Gacal ayaa gacanta  ciidamada amniga soo galay sidaad iyo tobanka (18) bishii Afaraad (4) ee sanadkan.

READ MORE:  DHAGEYSO: Nin si xun Loogu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha

Bilowga fadhiga hore ee maxkamadda ayaa si wada jir ah loo dhageystay eedda ay soo diyaariyeen xafiiska xeer ilaalinta iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay eedeysanayaasha in ay ka hadlaan goobta maxkamadeyntooda.

Maxkamadda ayaa markii ay dhegaysatay dacwadaha waxa ay xukun ku riday labada eedeysane, waxaana xukunka loogu dhawaaqay sidatan soo socota:

    • Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano, waxaa lagu xukumay 8 sano oo xabsi ciidan ah.
    • Gacal Maxamed Cali Maxamed Saddex sano 3 sano oo xabsi ciidan ah.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunka riday waxaana dhegaysiga ka soo qeybgalay dadweyne fara badan

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan.

SAWIRADA EEDEYSANAYAASHA:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Askar Gaysatay Dhac U geysata Dadka Oo maxkamadda Ciidammada la soo taagay
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay ...
AKHRISO:Dowlada Itoobiya & Jabhada ONLF Oo Heshiisyo Nabadeed Ku kala Saxiixday Asmara
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa maanta magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku ...
AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->