Digniin laga bixiyey Duufaanno ku Soo Wajahan Soomaaliya | Afrikada

Digniin laga bixiyey Duufaanno ku Soo Wajahan Soomaaliya

Afrikada, Muqdisho: Xarunta digniinta ka bixisa duufaannada ee wadanka Mareykanka ayaa sheegtay in duufaano xowli ku socda ay ka dhici karaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Sida lagu laga soo xigtay Qeybta saadaasha hawada ee BBC waxaa dufaan Xog leh ay kusoo wajahan tahay Wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Duufaantan oo loogu magac daray Luban ayaa la filayaa in ay ku dhufato waddanka Cumaan Jimcaha, ka hor inta aysan garaacin Sabtida dalka Yemen, oo aysan ku xigsiin Soomaaliya, waxaa la sheegayaa in roobab aad u xoog leh ay wadato, taasi oo laga cabsi qabo in khasaaro ay dhaliso.

Duufaanahan oo maraya heerkooda dhexe ayaa marka ay gaarto Yemen iyo Cumaan waxay xaruntu sheegaysaa in la fili karo in xoogeedu uu yaraado. Islamrkaasina ay u soo weecdaan dhanka Soomaaliya.

Laakiin roobab xoogga leh ayey sheegtay in ay dhalin karaan daadad khatar gelin kara qaybaha ay ka marayso dalalka ay ku wajahan tahay.

READ MORE:  AKHRISO:Millteriga Kenya, Kuwa dowladda federaalka Iyo Al-Shabaab Oo iska kaashaday hal arrin??

Duufaannada ayaa intooda badan waxay ka kacaan Gacanka carbeed xilliyada Guga iyo dayrta.

Sannadkii ama labadii sanaba mar ayey duufaantaasi saamaysaa gacanka Arabia.

Bishii Maajo ayey ahayd markii duufaanta Sagar oo gacanka Cadmeed ku dhufatay ay sidoo kale garaacday Soomaaliya.

Duufaantan Luban ayaa lagu wadaa in ay cirifka Bari ee Soomaaliya ku dhufato saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->