DHAGEYSO: Itoobiya oo deg deg u soo fara gelisay Khilaafka DF iyo Dowlad Goboleedyada? | Afrikada

DHAGEYSO: Itoobiya oo deg deg u soo fara gelisay Khilaafka DF iyo Dowlad Goboleedyada?

Afrikada, Addis Ababa: Ilo Xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koofur Galbeed iyo Jubbaland ay kulan gaar ah oo Albaabada u xiran yihiin la yeesheen Wakiilo ka socda Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Ahmed.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo quseeya Itoobiya iyo Maamul Gobaleedyada laakiin waxaa ugu muhiimsanaa oo diirada lagu saaray xalinta Khilaafka kala taga sababay ee u dhaxeeya Dowalda federaalka Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa doonaya inuu xaliyo Khilaafkan daba dheeraaday waxaana la ogaaday in Dowlada Itoobiya ay wada tashiyo kala sameysay sida arrintan xalka loogu heli karo Villa Soomaaliya.

Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa Masuuliyiinta ka socotay Xafiiska Ra’iisul wasaare Abiye waxay u gudbiyeen Warbixin dheer oo ay ku cad yihiin khladaadka Dowlada Dhexe ka gashay.

Sidoo kale waxay cadeeyeen inay diyaar u yihiin wada hadal ay gacan sedexaad maamuleyso kaasoo lagu qabanaayo goob Muqdisho ka baxsan.

Si kastaba ha ahaatee Xubnahan ka socda Dowlada Itoobiya ayaa markii ay dib ugu laabtaan Adis Ababa waxay Warbixinta u gudbin doonaan Ra’iisul wasaare Abiye, waxaana la ogaan Karin Go’aanka xiga oo ay qaadan doonto Itoobiya.

READ MORE:  DHAGEYSO: Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Oo Dil U geystay Nin ka shaqeysta Bajaajta+Askarigii Oo isagiina isla goobta lagu dilay

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->