DHAGEYSO: Cabdi-Kariin Qalbi Dhagax Oo Shaki Badan laga Qaaday iyo Khudbad Uu Mucaaradka U jeedin Doono? | Afrikada

DHAGEYSO: Cabdi-Kariin Qalbi Dhagax Oo Shaki Badan laga Qaaday iyo Khudbad Uu Mucaaradka U jeedin Doono?

Afrikada, Muqdisho: Warar hoose oo ay heleyso warfaafinta ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya loo diray halka uu Muqdisho ka degan yahay Cabdi kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax.

Ciidamadan oo fulinaya amar kasoo baxay Taliyaha Ciidamada Nabad sugida ayaa la kulmay Qalbi dhagax oo ay ku wargaliyeen inuu ka fogaado falal amni daro u keeni kara magaalada Muqdisho.

Ciidanka NISA ayaa Qalbi dhagax ku wareejiyay warqad ay ku qoran yihiin waxyaabaha aysan dowlada Soomaaliya ogoleyn inuu sameeyo, iyadoo laga duulayo maadaama uu dhexda kaga jiro Siyaasiyiinta Mucaaradka oo u adeegsan kara Falal Guracan sida Dowlada ay tuhunsan tahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowlada Federaalka ay ogaatay in Mucaaradka ay doonayaan siday u qaban lahaayeen isku soo bax uu Khudbad ka jeedin lahaa Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax.

Qalbi Dhagax ayaa la sheegay in rag aan la ogeyn ay maalgelin siinayaan isaga oo socdaallo siyaasadeed ku maraya degmooyinka wadanka Soomaaliya.

READ MORE:  Dowladda Oo Tijaabisay MUKHTAAR ROOBOW, iyo Seefla-Boodnimo uu la soo Baxay?

Halgame Qalbi-Dhagax ayaa kulamada qaarkood ka sheegay in uusan Muqdisho booqan doonin balse uu meelo badan si rasmi ah siyaasadiisa uga shaacin doono, hase yeeshee waxa uu Muqdisho ku diiday ayaa lagu sheegay inay tahay in uusan dooneynin in uu la kulmo madaxweynaha dowladda federaalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Qalbi Dhagax lama oga sababta uu u diiday in uu hor istaago Farmaajo.

 

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
DHAGEYSO: Xildhibaanadii Mooshinka keenay Amar ku bixiyey in Farmaajo uusan dalka ka bixi karin?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo saaray ...
Gudoomiye Mursal Oo gurigiisa laga jaray Korontada, Biyaha iyo Cuntada?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal ayaa go'aan ku gaaray in uu ...
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Oo loo Ogolaaday In ay la Kulmaan Gudoomiye Mursal
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya ee iyagu hogaaminaya aqlabiyadda inta badan ee ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->