DAAWO: Madaafiicda Oo la isku ridayo, Rasaasta Oo ka dhaceysa TUKARAQ, iyo Ciidammadii Ugu Badnaa ee Puntland Oo gaarey Jiidaha Dagaalka?

Afrikada, Tukaraq: Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa madaafiic isku weeraray-Tukaraq maanta goor sii horeysay.

Dad kunool deegaankaasi ayaa u sheegay warbaahinta in sidoo kale ay maqleen rasaas la isweydaarsanayay. Ilaa hada lama oga inta uu dhan yahay khasaaraha ka dhashay halkaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii dagaalo ba’an ay ku dhexmareen Somaliland iyo Puntland deegaankaas. Ilo wareed ayaa sheegay in wali ciidamo ay soo dhoobaan maamulada Puntland iyo Somaliland deegaankaas.

Waxaa jira waanwaan wali socota oo la doonayo in lagu xallilo khilaafka ayadoo la cambaareeyay wixii horay deegaankaasi uga dhacay.

Deegaanka Tukaraq ayaa dhaca dhulka ay isku hayaan labada maamul ee Sool iyo Sanaag. Puntland ayaan sheegin inay ka go’day Soomaaliya laakiin bishii Mey ee 1991 ayaa Somaliland ay sheegtay inay ka go’day inta kalee Soomaaliya.

Somaliland wali meysan helin aqoonsi caalami ah oo kusaabsan inay tahay dal gaar ah ama jamhuuriyad madaxbannaan oo gaar ka ah Soomaaliya.

War haatan ina soo gaaray ayaa sheegaya in dhanka Somaliland laga dilay 3 askari, dhaawaca la gaarsiiyeyna uu gaarayo 14 askari oo Jeegaanta ah, halka 3 baabuurta dagaalka ahna ay uga gubeen, hadalkan ayaa waxaa xaqiijiyey taliyaha ciidanka Puntland.

READ MORE:  Ethiopian Airlines Oo Duulimaad ka Billaabaysa Muqdisho.

Taliye Col. Faraweyne ayaa ku sifeeyey weerarkan in uu ahaa mid gaadmo ah oo ka yimi dhinaca Somaliland, balse ay la socdeen dhaqdhaqaaqooda siddaasna ay uga jawaabeen oo aywaxyeelo soo gaartay cidii soo qaaday.

Gudoomiyaha gobalka Sool ee Puntland ayaa isna sheegay in si lamid ah khasaaraha uu sheegay Taliyahaas ciidan, waxaana uu cadeeyey in waxa dhacay uu ahaa dagaal si weyn faraha la isku saaray.

HALKA HOOSE KA DAAWO: 

Ciidamada labada dhinac ee Puntland & Somaliland waxay mudo isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq oo ay Somaliland qabsatay bilowgii sannadkan, waxaana ay diiday in ay kala baxdo ciidamadeeda, diyaar garoow dagaal oo ay gashay Puntland ayaa u muuqday mid sii yaraanaya bilihii la soo dhaafay, xilli ayaamaha doorashada ee Puntland ay ka hartay wax ka yar 90 maalmood, muddooyinkan ayaa waxaa la dareemayaa in uu mar mar bilowdo dagaal culus, taasi oo muujineysa in ciidammadu ay weli is-hor fadhiyaan.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Askar Gaysatay Dhac U geysata Dadka Oo maxkamadda Ciidammada la soo taagay
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay ...
AKHRISO:Dowlada Itoobiya & Jabhada ONLF Oo Heshiisyo Nabadeed Ku kala Saxiixday Asmara
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa maanta magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku ...
AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->