DAAWO Diyaarado Duqeymo Xoog badan ka fuliyey Gobolka Gedo, Soomaaliya? | Afrikada

DAAWO Diyaarado Duqeymo Xoog badan ka fuliyey Gobolka Gedo, Soomaaliya?

Afrikada, Garbahaarey: Wararka laga helayo deegaanka ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay gantaalo ku garaacaan qeybo kamid ah deegaankaasi.

Duqeynt ayaa la sheegay in ay ka dhacday Geerish iyo idaacad ku taala Deegaanka Ceelcadde oo ay Maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaaro lixaad leh la gaarsiiyay goobaha ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday deegaanka Ceelcadde ee Gobalka Gedo.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Wadammada Mareykanka iyo Kenya ayaa isku dayeya in ay yar- yareystaan dadka reer miyiga ah ee ay xoogga ku heystaan Shabaabka, xilli laga hortaagan yahay dowladda dhexe in ay ciidankeeda hore u socod sameeyaan, markastana looga digayo duqeymo xoog badan?

Maalmo ka hor ayay aheyd markii diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen deegaanka Ceelcadde ee Gobalka Gedo, iyadoona halkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 5 Ruux.

Deegaanka Ceel-Cadde oo ka mid ah deegaanada ay ku xooggan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu xasuustaa weerarkii askarta badan looga laayay ciidanka Kenya ee dhacay bishii Janaayo 2016-kii.

READ MORE:  Ciid Wanaagsan - Ciid Mubaarak - Ciidul Fitri.

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->