Madaxweynaha Turkiga oo ballanqaaday in uu soo bandhigi doono baaritanka Qoraaga Sacuudiga ee la waayey | Afrikada

Madaxweynaha Turkiga oo ballanqaaday in uu soo bandhigi doono baaritanka Qoraaga Sacuudiga ee la waayey

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qoraaga caanka ah ee Sacuudiga Jamal Kashoqgi ee lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istnabuul.

Madaxweynaha Turkiga oo saxaafadda la hadlay kadib khudbad uu ka jeediyey shir uu lahaa xisbigiisa AK Party ayuu sheegay inuu si shaqsi ah ula socdo kiiska maqnaanshaha Qoraaga Sacuudiga ah oo ay saaxiibo ahaayeen, isagoo intaas ku daray inuu aad uga xun yahay waxa dhacay iyo in dalkiisa Turkiga lagu waayo.

Madaxweyne Erdogan ayaa caddeeyay in wixii kasoo baxa baaritaanka socda ee Qoraaga la waayey ay u soo bandhigi doonaan caalamka wax kastoo ay noqoto natiijada, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo faahfaahinta kiiskan oo qabsaday warbaahinta caalamka.

Saraakiil amniga Turkiga ka tirsan ayaa saxaafadda u dusiyey war ku saabsan in Qoraaga Jamal Kashoqgi, lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, meydkiisana dibadda looga saaray, taasoo ay beeniyeen Sacuudiga.

READ MORE:  Qabow daran oo laga soo sheegayo Bariga Qaaradda Yurub

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->