DEG DEG: Mukhtaar Roobow Oo Loo ogolaaday inuu u tartamo xilka Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed. | Afrikada

DEG DEG: Mukhtaar Roobow Oo Loo ogolaaday inuu u tartamo xilka Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed.

Afrikada, Muqdisho: Wararka ka imaanaya magaaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kadib markii dowladda Soomaaliya ay dib u eegtay suurtagalnimada ah in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu noqon karo madaxweyne u tartami kara xilka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la soo sheegayaa in haatan dowladda federaalku ay u ogolaatay Roobow in uu xilkaasi u tartami karo.

Wararka ayaa sheegay in tani ay timid kadib markii lagu guuleystay wadatashiyo maalmo ka soconayey magaalada Beydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee is-maamulka K/Gabeed. Kulamada ayaa u dhexeeyay dowladda dhexe iyo Sheekh Mukhtaar.

Maalin ka hor waxaa magaalada Baydhabo gaaray Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen oo la sheegayo in kulamo xiriir ahaa uu la qaatay Mukhtaar Roobow.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa maalmo ka hor soo saartay warqad looga hor istaagayo Roobow in uu u tartamo xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Kulamada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray warqadii 4-tii bishan ka soo baxday wasaarada amniga ee xukuumadda Soomaaliya ee lagu sheegay in Roobow uusan xilka madaxtinimo ee Koonfur Galeed u tartami karin sabab la xiriirta inuusan buuxin shuruudihii lala galay beesha caalamka ee ku aadanaa ka qaadista xayiraadaha dhinacyada badan ee saarnaa.

READ MORE:  Ra'iisul Wasaaraha dalka oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay

Warar ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow loo ogolaaday in ololahiisa ka sii wato Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Mukhtaar Roobow ayaa mar ahaa hogaamiyaha labaad ee ugu sareeya dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana sidoo kale uu noqday afhayeenkii Al-Shabaab.

Maleeshiyaad daacad u ah Mukhtaar Roobow iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay ku dagaallameen deegaanka Abal, halkaasi oo bilihii dambe uu ku sugnaa Roobow, inkastoo markii dambe uu ku soo biiray dowlada Federaalka Soomaaliya.

Muuqaal muujinaya MUKHTAAR ROOBOW oo Qorigiisa la ag-fariistay SHARIIF XASAN..arrin muujineysa in Islaamiyiintu haddii ay caqli leeyihiin ay dalkooda dib gacanta ugu dhigi karaan, tani oo u baahan caqli iyo karti intii hore ka badan?

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa isku soo aruuray musharixiin waxaana dhammaantood ay doonayaan in ay u tartamaan xilka madaxweyne goboleedka Koonfur Galbeed oo sanadkan halkaasi ka dhaceysa.

Mareykanka, Yurub iyo dowladaha waaweyn ayaa isha ku haya Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo isku sharaxitaanka jagada madaxweyne ee K/Galbeed waxaana dadka khubarada ah ee wax taxliilisa ay miisaanka saarayaan sida ay Al-Shabaab mas’uuliyiinteeda waaweyn fursad ugu heystaan in ay qoriga dhigaan oo ay hal hal booska uga bixiyaan maamul goboleedyada iyagoo xitaa madaxtooyada imaan kara haddii ay isdejiyaan ama caqligooda uu soo dhaafo in ay mucaarad uun ku koobnaadaan.

READ MORE:  Ganacsade Hilaal Xirsi Jaamac Oo xalay la dilay SAWIRO

Dadka waxa ay la yaaban yihiin in Al-Shabaab ay qabsatay sirdoonka NISA, iyadoo meelo badanna si qarsoodi ah u fadhiya baarlamaannada dalka iyo meelo kale oo aan dadka u muuqan

Waxaa sidoo kale si nidaamsan ay maamulkoodii Islaamiga ahaa uga wadi karaan dalka gudihiisa haddiise ay qabsadaan waxaa waajib ku noqon doonta in ay wax ku wadaan “See Xeero lagu Xagtaa, Ilkana ku nabadgalaan” balse taasi Shabaabku weli si buuxa uguma diyaarsana sababtoo ah waxa ay ku wada carareen duurka, iyadoo dalkiina ay u hareen siyaasiyiin aan cilmi iyo aqoon laheyn ama aan diinta, dalka iyo dadkaba wax fiican u qaban karin.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->