DAAWO: Ganacsatada Muqdisho Oo Ka Cabanaya Dhac iyo Boob Lagu Hayo Suuqa Bakaaraha?

Afrikada, Muqdisho: Waxaa maanta Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen Ganacsatada gobolka Banaadir, kuwaa oo ka cabanayay dhac iyo boob ay Suuqa ku hayaan rag hubeeysan ku labisan dareeska Ciidanka dowlada.

Ganacsatada ayaa sheegay in xaalada suuqa Bakaaraha uu xiligan meel xun marayo, waxa ayna cadeeyeen in Suuqa kusoo bateen burcad hubeesan oo wata dareeska ciidanka, kuwaa oo dhac u geesanaya ganacsatada iyo dadka kale ee Suuqa usoo adeeg doonta.

Waxa ay sheegeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha in ay kasoo baxeen waajibkooda ayna bixiyaan canshuurta dowlada ka rabto, hasa ahaatee dowladu dhankeeda gabtay in ay ilaaliso amaanka Suuqa iyo nolosha ganacsatada .

Gudoomiyaha Ganacastada Suuqa Bakaaraha Xasan Mirre Dhiif ayaa sheegay in amaanka Suuqa Bakaaraha uu sii xumaaday, waxa uuna sheegay in ganacsatada mar waliba wajahayaan dhac ,boob iyo cabsi galin ay kala kulmayaan kooxo burcada ah.

Waxa uu ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in il gaar ah kusoo fiiriso xaalada Suuqa Bakaaraha uu sheegay in ay tahay halka ugu badan ay isugu yimaadaan bulshada Muqdisho, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah xaaladan wax looga qabto.

READ MORE:  DAAWO VIDEO: "Dhulbahante Waa guun Habeenba mid ku hoyata Guryaha P/land iyo Somaliland"

Inta badan Ganacsatadii ka hadashay shirkan maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay si weyn uga cabanayeen dhibaatada mudooyinkii dambe kusoo korortay Suuqa, waxa ayna ganacsatada sheegeen in Suuqa halis ugu jiro in uu xirmo hadii aan deg deg wax looga qaban burcada hubeesan ee xiran dareeska ciidanka dowlada.

Suuqa Bakaaraha ayaa noqday goob ay usoo shaqo tagaan kooxo burcad ah oo wata dareeska ciidanka kuwaa oo inta badan wata gawaari yar yar iyo mooto bajaaj, waxa ayna dhac u geestaan ganacsatada Suuqa iyo sidoo kale dadka usoo dukaameesiga taga.

SAWIRADA: 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Askar Gaysatay Dhac U geysata Dadka Oo maxkamadda Ciidammada la soo taagay
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay ...
AKHRISO:Dowlada Itoobiya & Jabhada ONLF Oo Heshiisyo Nabadeed Ku kala Saxiixday Asmara
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa maanta magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku ...
AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->