Askari Dadka ka Dhici jirey Taleefannada oo maxkamad la soo tagay? | Afrikada

Askari Dadka ka Dhici jirey Taleefannada oo maxkamad la soo tagay?

Afrikada, Muqdisho:  Askari lagu soo eedeeyay in uu ku caan baxay dhaca dadka Muqdisho ayaa maxkamad lagu soo taagey magaalada Muqdisho, iyadoo xukun xabsi ciidan ah ay ku xukuntay maxkamadda Ciidamada.

Dable ka tirsan Booliiska oo lagu magacaabo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha degmada Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka ka soo baxay salaadda subax iyo kuwa u sii socday Masjid ku yaallo xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dadka degmada ayaa ku war geliyay guddoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxayna si wada jir ah u sameeyeen howlgal lagu baadi doonayay eedeysanaha, waxayna soo qabteen 17-ka September 2018.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25- September ayaa baaritaan dheeraad kadib waxay soo dhameystireen Gal-dacwadeedka eedeysane Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa u fariisatay dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha, waxaana lagu soo bandhigay dhibanayaashii dhaca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda.

Mid kamid ah dhibanayaasha ayaa u sheegay garsoorayaasha Maxkamadda in xilliga dhaca loo geysanayay uu u cararay Masjidka balse nasiib xumo uu eedeysanaha ka soo daba galay Masjidka sidaasna uu kaga qaatay Teleefoonkiisa.

READ MORE:  AKHRISO:Wasiir Hore Yuusuf Garaad oo digniin ka soo saaray khilaafka Maamul Goboleedyada Iyo dowladda

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in eedeysanaha lagu xukumo xukun tusaala u noqon karo kuwa weli ku mashquulsan dhaca dadweynaha.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka Maxkamadda maadaama uu qirtay dambiyada lagu soo oogay.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi sideed (8)-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->