Taliyaha Nabad-Sugidda iyo Mukhtaar Roobow Oo ay ka dhex Tafan tahay? DHAGEYSO

Afrikada, Muqdisho: Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay weli ka socda wadahadallo u dhaxeeya xubno ka socda Dowladda Somaliya iyo Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo ah musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed.

Wadahadaladaas ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka socda taliyaha Ciidanka Nabdsugida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen iyo Fowziya Maxamed Sheekh oo ah Gudoomiyaha Guddiga amniga ee Golaha Shacabka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Rooboow ka dalbatay inuu yimaado muqdisho kana tanaasulo musharaxnimada Madaxweynaha koonfur Galbeed balse uu ka biyo diiday taas oo keentay in wafdi ka socda dowladda ay gaaraan Magalada Baydhabo.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO: 

Wadahadallada oo bilaawday shalay gelinkii dambe ayaanan ilaa iyo hadda jirin wax qodobo ah oo ka soo baxay,balse warar ku dhaw dhaw kulankaas ay sheegeen in maanta qodobo laga soo sari doono.

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa maalma ka hor sheegtay in Muqtaar roobow uusan u tartami karin Madaxweynaha Koonfur Galbeed walow Muqtaar roobow uu ka dhega adeegay Go’aanka Wasaaradda Amniga.

Sheekha Xag-jirka ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo Taliyaha Nabad Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya…!

READ MORE:  Madaxweyne Farmaajo Oo laga Casuumay Wadanka Eritrea

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Askar Gaysatay Dhac U geysata Dadka Oo maxkamadda Ciidammada la soo taagay
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay ...
AKHRISO:Dowlada Itoobiya & Jabhada ONLF Oo Heshiisyo Nabadeed Ku kala Saxiixday Asmara
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa maanta magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku ...
AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->