DHAGEYSO: 2 Al-Shabaab ahaa Oo isa soo dhiibay Oo midna XABSI-GURI lagu xukumay, midna MADAXWEYNE goboleed laga dhigayo? | Afrikada

DHAGEYSO: 2 Al-Shabaab ahaa Oo isa soo dhiibay Oo midna XABSI-GURI lagu xukumay, midna MADAXWEYNE goboleed laga dhigayo?

Afrikada, K/Galbeed:  Waxaa weli muran ka taagan yahay sida loo maareynayo in uu xilka Koonfur Galbeed u tartamo Sheekha isku tilmaamay in uu Al-shabaab ka soo goostay ee lagu magacaabo Abuu-Mansuur Sheekh Mukhtaar Roobow.

Waxaa doodu ka dhex taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadleen war kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo ahaa in Mukhtaar Roobow uu u tartami karin madaxweynenimada Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa ay sheegen Xildhibaanadan in Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu yahay muwaadi Soomaaliyeed,isla markaana uu ka tanaasulay fikirkii hore ee ahaa kamid ahaan shaha Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa ay tilmaameen Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed in mas’uuliyiin badan Rooboow hortiis ay ahaayeen Al-shabaab,ayna dooran karaan hadda xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa waxa ay sheegeen in uu kamid musharixiin badan oo tartameysa Madaxweynenimada Koonfur Galbeed ,iyadoona dhawaan doorashada ay ka dhici doonto Magaalada Baydhabo.

READ MORE:  Imran Khan oo ku guuleystay doorashada Madaxtinimo Ee dalka Pakistan

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Muqtaar Roobow in uusan u tartami karin Madaxweynenimada Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo dowlada Soomaaliya Baydhabo shalay u dirtay Taliyaha Ciidanka Hay’ada Nabadsuggida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen,si uu u kula kulmo Muqtaar Roobow.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka muuqanaya habacsanaan weyn iyada oo ay dalka Soomaaliya sida ay doonaan ay ka sameysanayaan Wadaada leh maskaxda kooxaha Xag-jiriinta Soomaaliya, wadaadadan oo horey qaarkood loo xabisay si aysan mar kale shacabka ugu xadgudbin.

Dhanka kale, Soomaalida ayaan weli helin xaqooda iyadoo Dad badan oo Dembiyo kala duwan oo argagixiso dhowaan galay aan weli cadaaladda la marsiinin.

Dadka hore loo xabisay waxaa ka mid ah ahaa Xasan Daahir Aweys iyada oo Mukhtaar isa soo dhiibitaankiisa aysan dowladdu waxba ka qabanin iyada oo loo eegayo dadkiisa oo isgarab taagay, tani oo dhalineysa xaq-darro baahsan oo dhinacyada qabaa’ilka oo aysan dowladdu u xaq soorin.

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
DHAGEYSO: Xildhibaanadii Mooshinka keenay Amar ku bixiyey in Farmaajo uusan dalka ka bixi karin?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo saaray ...
Gudoomiye Mursal Oo gurigiisa laga jaray Korontada, Biyaha iyo Cuntada?
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal ayaa go'aan ku gaaray in uu ...
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Oo loo Ogolaaday In ay la Kulmaan Gudoomiye Mursal
- Dec 11, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya ee iyagu hogaaminaya aqlabiyadda inta badan ee ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->