10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya | Afrikada

10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya

Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ah.

Afhayeenka ciidammada KDF Paul Njuguna ayaa tilmaamay in ay kooxaha Al-Shabaab la dilay xilli ciidammadu si kedis ah ugu daateen aag lagu magacaabo Taksiile oo ku yaal degmada Pandanguo ee Galbeedka Lamu saacadu markii ay aheyd 6.45am.

Wargeysyada qaar waxa ay dhigayaan in maleeshiyaadka laga dilay Al-Shabaab ay tiradoodu tahay 18 halka qaarna ay leeyihiin waa 10 keliya.

Pandanguo ayaa waxa ay ka mid tahay meelaha laga soo qaado weerarada Al-Shabaab ka geystaan degaannadaasi xuduudka la leh Soomaaliya.

Sida ay sheegtay majaladda Daily Nation ee ka soo baxda Nairobi ayaa waxaa agu sheegay in sanadkii hore maleeshiyaadku ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal degaankaas.

Kooxaha mintidiinta ayaa ku badan Lamu iyaga oo ka gudba xaduudka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya.

Sidoo kale waxa ay cagta sii marsiiyeen maleeshiyaadkani goob dawo oo degmada ku tiiley, Maalinta oo Isniin ah ayaa afhayeenka ciidammada Kenya Paul Njuguna waxa uu sheegay in ay 7 qoryaha AK47 iyo rasaastooda ku qabsadeen dirirtii saaka.

READ MORE:  DHAGEYSO: Madaxda Soomaaliya iyo Eritrea oo heshiis gaaray

Ma jiro weli wax war ah oo laga heli karo weli dhanka warfaafinta kooxda Shabaab oo ku saabsan dagaalkani.

“3 ka mid ah askarteenna ayaa dhaawacyo fududi ka soo gaareen dagaalka waxaana lagu daweynayaa isbitaallada . Ciidankeenu weli waxa ay ku daba jiraan maleeshiyaadka kale ee mintidiinta ah ee la cararay dhaawacyo soo gaaray.” ayaa uu hadalkiisa ku daray Mr Njuguna.

Waxa uu ka codsaday dadweynaha degaanka Pandanguo in ay wixii macluumaad ah ee ay helaan ay la soo wadaagaan booliska iyo haddii ay arkaan Al-Shabaab dhaawac ah oo degaanka dawo ka soo raadsaday.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->