Wufuuda Golaha Aqalka Sare oo Kismaayo Kula Kulmay Odayaasha Dhaqanka Iyo Haweenka | Afrikada

Wufuuda Golaha Aqalka Sare oo Kismaayo Kula Kulmay Odayaasha Dhaqanka Iyo Haweenka

Afrikada, Jubaland: Madaxda ka socota golaha aqalka sare ee dowladda federaalka ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimada ku meel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo ururka Haweenka oo madasha kullanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen iney muhiim tahay in xal loo helo khilaafka jira, isla markaana dhankooda kaalin muhiim ah ka qaadanayaan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sida ugu haboon ee ay uga qeyb qaadan karaan xal u helista khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada goboleedyada.

Sidoo kale, wefdiga aqalka sare ayaa dhageystay aragtida Odayaasha dhaqanka iyo ururka Haweenka Jubbaland iyo siday la tahay in isfaham lagu gaari karo si horay loogu sii amba qaado horumarada lagu tallaabsaday.

Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada.

READ MORE:  DHAGEYSO: M/weyne Xaaf Oo mar kale ku dhawaaqay in uu la dagaalamayo Al-Shabaab+Maxaase loola jeedaa Ku Cel-celinta Iclaamiska Dagaal lala gelayo Al-Shabaab?

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: 2 Qabiil Oo Doonaya in la rido Xukuumadda Kheyre Iyo Farmaajo?
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa shalay loo ...
Farmaajo Oo ay ka soo Baxday Qiyaanadii iyo XAQII Prof. JAWAARI? Ninkii uu soo magacaabay Oo dhabarka ka toogtay?!! AKHRI YAABKA
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa kacsan xaaladda magaalada Muqdisho iyada oo Mooshinki laga keenay madaxweyne Farmaajo uu ...
DHAGEYSO:-Jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Dowlada.
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sideed bil oo kaliya ka soo wareegtay markii sidaan oo kale jahwareer siyaasaded ...
Qarax dhimasho geystay oo ka dhacay Garasbaaley, Muqdisho
- Dec 9, 2018
Afrikada, Muqdisho: Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan ...
Dowladda Qadar Oo ku gacan Seyrtay Casuumadii Boqor Salmaan
- Dec 9, 2018
Afrikada, Dooxa: Wadanka Qadar wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in amiirka wadankaasi uu ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->