DAAWO: Al-Shabaab Oo ku Sii Qulqulaya Degmooyin ka tirsan Galgaduud
Afrikada, Galgaduud: Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo ku sii qulqulaya degaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in saraakiil ciidan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gaareen deegaano kale oo ka mid ah gobolka Galgaduud.
Al-Shabaab ayaa gudaha u galay degmooyinka Ceeldheer, Masagawaa iyo Cowsweyne oo dhammaantooda ka wada tirsan gobolka Galgaduud.
Dadka Degaanka ayaa KNN u sheegay in ay arkayeen dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab oo galay degaanadaasi, isl amarkaana waxaa ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaq, iyadoona cabsi badan ay soo wajahday dadka deegaanka.
Warbaahinta ayaa la soo gaarsiiyey warar sheegaya in heegan buuxa la geliyay ciidamada gobolkaasi Galgaduud oo badankood fadhiya Dhuuso-Mareeb, waxa ayna reer Dhuuso-Mareeb isku dayeyaan in ay ka hortagaan weeraro kaga yimaada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa hada waxaa ay maamulaan deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Galgaduud. Dhanka kale magaalada Dhuuso-Mareeb ayaa u muuqata mid aan iska caabin karin weerar culus oo Shabaab kaga yimaada sababtoo ah shalay ayey aheyd markii ay ciidammo ka socday Galmudug ay ku wada dagaalameen magaaladaasi.
Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa iyagu jahawareer weyn ku jira, waxaana aad u xun xaaladda guud ee dalka iyada oo madaxdu anfariirsan yihiin ama jahawareersan yihiin tani oo keenaysa in Shabaab ay gudaha u soo gasho dhulal badan.
HALKA HOOSE RIIX SI AAD U DAAWATO:
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<