Shirkii Loo Balansanaa La dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish Oo Baaqday Iyo Mas’uuliyiin Muhiim ah Oo HURDADA ka soo kici waayey?
Afrikada, Muqdisho: Maanta oo Isniin ah kuna beegan 17/9/2018 ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu isugu yeeray Guddiga Golaha Amniga Qaranka oo ay qeyb ka yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Shirkaan ayaa dib u dhac ku yimid, waxana taasi loo sababeeyey madaxda Dowlad Goboleedyada oo aan soo xaadirin magaalada Muqdisho maadaama Dhammaantood ay ka yimid yihiin golaha amniga qaranka, isla markaana khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa haddii uu qabsoomi lahaa waxaa looga hadli lahaa arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna ku maqan dalka Dibadiisa, balse laba Maalin ka hor qoraal ay soo saareen Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku sheegeen in ay u baahan yihiin Gacan saddexaad oo damaanad qaada ka qeybgelistooda shirkaasi.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa aamisan in baaqashada shirkaas ay masuul ka tahay dowladda Soomaaliya oo ka gaabisay xalinta tabashada ay qabaan madaxda Dowlad goboleedyada.
lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka xoogan ee xilligaan u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada,iyada oo Xildhibaanada Aqalka Sare ay Guddi xal raadin ah u direen deegaanada Dowlad Goboleedyada.
HALKA HOOSE KA DAAWO:
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<