Magaalo ku taal Mareykanka Oo Duufaanno go’doomiyeen

Afrikada, USA: Waxaa duufaanno darani ka soconayaan wadanka Mareykanka gobollo ka mid ah waxaana isa soo taray khasaaraha dadweynaha Mareykanka ay kala kulmayaan duufaanadaasi oo wata roobab xoog leh.

Magaalada Wilmington ee gobolka North Carolina ayaa gabi ahaanba ka go’day gobolka intiisa kale, waxaana arrintaas sababay daadad xooggan.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa aan la adeegsan karin, dadkii la daad gureeyayna waxaa loo sheegay in ay deegaannadaas isaga dheeraadaan.

Wararka halkaas ka imaanaya ayaa sheegaya in magaaladaas oo ay ku nool yihiin 120,000 in ay noqotay jasiirad gobolka ku taalla.

Dad lagu qiyaasay 400 oo ruux ayaa daadadka laga daad gureeyay, magaalada inteeda badanna waa koronto la’aan.

Waaxda qaran ee saadaasha hawada ayaa ka digtay in ay macquul tahay in daadadku ay sii jiraan labo maalmood oo kale, ka hor inta aysan xaaladdu wanaagsanaanin.

Woody White oo ka tirsan masuuliyiinta deegaanka New Hanover County ayaa dadka ugu baaqay in aysan aagaas isku imaanin.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Askar Gaysatay Dhac U geysata Dadka Oo maxkamadda Ciidammada la soo taagay
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay ...
AKHRISO:Dowlada Itoobiya & Jabhada ONLF Oo Heshiisyo Nabadeed Ku kala Saxiixday Asmara
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa maanta magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku ...
AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->