DHAGEYSO:R/Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo amar Culus siiyey golihiisa wasiirada

Afrikada, Muqdisho: R/Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa amar culus siiyey golihiisa wasiirada in aysan heshiisyo Caalami ah gelin iyadoo aanan dowladda dalka lala socodsiinin arrinkaasi.

2-da qof ee heshiisyada ay wasiiradu kala tashanayaan ayaa la doonayaa in ay noqdaan Garyaqaanka guud ee Qaranka xafiiska ama Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Kulankii shalay ee golaha Wasiirada ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa sheegay in Golaha Wasiirada lagu amray inaysan gelin heshiisyo aan la soo marsiin garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha.

Dowladihii hore ee dalka soo marey ayaa waxaa Golaha Wasiirada waxa ay geli jireen heshiisyo Caalami ah oo qaarkood aysan la ogeyn Madaxda ugu sareysa dalka waxaana taasi ay sababtay dhibaatooyin dhaqaale oo xukuumadda Soomaaliya ay soo bandhigtay.

R/Wasaare Xasan Cali Kheyre

READ MORE:  DEG DEG:Al-Shabaab Oo Qarax Ku Gooyey Buundada Qoryooley

<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: