DAAWO:Micheal Keating Oo dhulka Ku jiiday Dowladda Farmaajo “Kuwa maanta Jooga Ma aha kuwo Hore U Socda, Wey Dhutinayaan…!” | Afrikada

DAAWO:Micheal Keating Oo dhulka Ku jiiday Dowladda Farmaajo “Kuwa maanta Jooga Ma aha kuwo Hore U Socda, Wey Dhutinayaan…!”

Afrikada, Muqdisho: Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating (ee xilka ka sii degaya) ayaa ka hadlay mashkaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta Soomaalida, loona baahan yahay inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan.

Keating ayaa sheegay inaysan ahayn wax sahlan horumar la sameeyo iyadoo Al-Shabaab iyo kooxaha kale isku dayayaan inay minja-xaabiyaan dadaallada, balse waxa uu ugu baaqay inay Soomaalidu isku tanaasulaan.

Mar uu soo hadal qaaday siyaasadaha cakiran ee maalmihii ugu danbeeyay ka soo dhax cusboonaaday maamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe ayuu sheegay in arrimahan oo dhan yihiin kuwo ka dhashay mashkalado siyaasadeed oo ku hoos duugan awooda iyo waliba sida loo kala qeybsanayo iyo dhinaca kale nidaamka federaalka oo ah mid cusub Soomaaliya.

‘’Xaaladahan soo cusboonaaday waa kuwo nasiib darro ah, waxaan rajeynayaa in ay si deg deg ah u xaliyaan hoggaamiyayaasha Soomaalida dhibtaada jirta, waxaana rajeynayaa in maamul gobolleedyadu ku raacaan madaxweynaha Soomaaliya in ay kala qeybgalaan shirka uu ku baaqay ayuu yiri Micheal Keating.

Wuxuu sheegay in la soo gaaray waqtiggii hoggaamiyayaasha Soomaalidu ay qaadan lahaayeen mas’uuliyad wadareed, oo ay ka shaqeeyaan degenaashaha wadankooda iyaga oo aan eegin faragalin xal doon ah oo uga timaada dalka dibediisa.

READ MORE:  DAAWO: C/raxmaan Beyle: "42 Milyan ayaa dowladda Uga baxeysa Soo Daabicidda Lacagta Cusub"

Keating ayaa markii ugu horeysay soo hadal qaaday kuna tilmaamay arin nasiib darro ah in ay jiraan dowladdo shisheeye oo lacago isku dhaafsanaya siyaasada Soomaaliya si awoodda loogu taageero in ay qolo gaar ah ku guuleysato ama codka kalsoonida loogu qaado koox kale, isaga oo sheegay in arinkaasi yahay kan hor taagan hormarka Soomaaliya.

‘’Nasiib darro lacago badan ayaa leysku dhaafsadaa Sooomaaliya si codadka doorashada loogu kala guuleysto, ama in la joojiyo ama la taageero mooshin cid ka dhan ah, arrintani waa mid aad u culus oo aan marnaba u adeegeynin in wadanku hormaro’’ ayuu yiri Keating.

Dowladda hadda jirta ayuu sheegay in ay la timid ajande culus oo dib loogu habeynayo hannaanka dhaqaalaha dalka, arintaa oo ay dusha sare kala socto ayuu yiri hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

‘’Tallaabooyinka ay dowladdu u qaaday dhinaca hormarinta dhaqaalaha gudaha waxaa ka yimid natiijo fiican marka la eego isbadallada la sameeyay bilihii ugu danbeeyay ee la xiriira kobaca dakhliga gudaha ‘’ ayuu yiir Keating.

READ MORE:  Madaxweyne Xaaf oo ku Gacansayray Baaqii Madaxweyne Farmaajo

Hadalka Michael Keating ayaa imanaya xili uu jiro khilaaf weyn oo u dhaxeeya maamul gobolleedyada iyo waliba dowladda dhexe, dhinaca kalana uu dhawaan xilka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu la wareegi doono ergay cusub oo loo soo magacaabay.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Xukuumadda Xasan Kheyre Oo kala boobeysa LACAGIHII DEEQDA SOOMAALIYA Guddiga La Socodka MAALIYADDA oo QEYLO-DHAAMINAYA?
- Nov 19, 2018
Afrikada, Muqdisho: arbixin rasmi ah oo ay soo saareen Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka ...
DEG DEG: Jubaland Oo Tiirka Geysay Askari dil u geystay Oday nabaddoon ahaa..
- Nov 19, 2018
Afrikada, Jubaland:  MIsmaamulka Jubaland ayaa maanta dil ku fuliyey nin lagu magacaabo Cabdirizaaq Cumar C/llaahi. Ninka ...
DEG DEG: Kooxo hubeysan oo caawa DIL NAXDIN LEH ka Geystay magaalada Muqdisho
- Nov 18, 2018
Wararka inaga soo gaaraya bartamaha suuqa bakaaraha ayaa sheegaya in caawa fiidkii bacdal salaatul ...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Oo ku sii jeeda Jubaland + Safarro uu ku mari doono dalka oo dhan?
- Nov 18, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ...
DAAWO SAWIRADA: Dagaalamayaasha Al-Shabaab Oo Si Xoog ah Xoolo uga aruuriyey degaannada Galgaduud?
- Nov 18, 2018
Afrikada, Galmudug: Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee ismaamulka Galmudug ayaa sheegaya in kooxaha ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->