DAAWO: Ciidammada Turkiga Oo Gudaha U Galay Suuriya | Afrikada

DAAWO: Ciidammada Turkiga Oo Gudaha U Galay Suuriya

Afrikada, Moscow:  Kulan xasaasi ah ayaa dhex maraya madaxweyneyaasha wadammada Ruushka iyo Turkiga iyada oo laga shirayo mustaqbalka magaalada Idlib.

Ruushka ayaa laga yaabaa in uu si xun uga nixiyo shacabka magaalada Idlib sababo la xiriira kooxaha argagixisa iyo mucaaradka Suuriya oo halkaasi ku dhuumaaleysanaya.

Hogaamiyaha Turkiga mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa dan weyn u arkaya in uu la kulmo dhiggiisa dalweynaha Raashka Vladimir Putin waxaana uu kala hadli doonaa in aan la leynin dadka Carabta ah isla markaana si tartiib tartiib ah argagixisada looga xoreeyo magaalada Idlib ee dalka Suuriya.

Erdogan ayaa ka cabsi qaba in la soo qixiyo Suuriyaan aad u badan isla markaasina ay musiibo qaxootinimo ku habsato dalka Turkiga.

Sidaasi si la mid ah Beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan weerarka ay milleteri ee ay qorsheynayaa Ruushka iyo ciidamada dowladda Syria Weerarkaasi oo ah mid xooggan oo ay doonayaan in ay ku dumiyaan magaalada Idlib si la mid ah sidii la yeelay Aleppo oo kale.

READ MORE:  DHAGEYSO: RW Kheyre "Waxaa jira Afku dhiiglayaal, Mana Aqbaleyno”

Erdogan ayaa ciidammo xooggan gudaha u geliyay Suuriya isaga oo doonaya in uu dhulkiisa ka difaaco meelo fog fog si aysan maleeshiyaad firxad ahi u soo gelin.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa shir jaraa’id maanta ku sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu cid kasta kala shaqeeyo la-dagaalanka argagixisada, hase yeeshee in la dilo shacabka, haweenka iyo carruurta ayada oo loogu cudurdaaranayo la dagaalanka argagixisada ay tahay arrin aan bani aadannimo ahayn.

Turkey ayaa ka walaacsan in howlgal ballaaran oo ka dhaca Idlib uu sababi doono qaxooti badan oo dalkeeda kusoo qaxa, xilli ay mar horeba dalkaas ku nool yihiin in ka badan 3 milyan oo qof oo Suuriyaan ah.

Ruushka iyo Iran ayaa xulufo la ah madaxweyne Assad, halka Turkiga uu tagaeero mucaaradka doonaya inay isaga xukunka ka tuuraan.

Gacanta lagu dhegan yahay ayaa ah mida madaxweynaha Ruushka iyada oo uu Turkigu ku jiro xaalad dhaqaale xumo oo aad u daran, waxaana madaxweyne Erdogan horyaalla arrimo xal u baahan.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->