Waa Kuma Wakiilka Cusub ee UN-ku u soo magacaabeen Soomaaliya? | Afrikada

Waa Kuma Wakiilka Cusub ee UN-ku u soo magacaabeen Soomaaliya?

Afrikada, Muqdisho: Xoghayaha gud ee Q/Midoobay ayaa si rasmi ah u magacaabay wakiil cusub oo yu qaabilsan Somalia, kadib uu dhammaaday xilligii wakiilkii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

Wakiilka cusub ee xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, isagoo ah nin caddaan ah, waana diblomaasi 66 sano jir ah oo soo noqday ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Afghanistan.

Wakiilka cusub Nicholas Haysom ayaa ah Qareen ku takhasusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna kasoo qeyb qaatay wadahadalladii nabadeed ee dalka Burundi intii aanu ku biirin Q/Midoobay sanadkii 2005.

Wuxuu ka baxay dugsiga Michaelhouse ee Natal, South Africa iyo Jaamacadda Natal, wuxuu kaloo sharciga kaga qalin jebiyey Jaamacadda Cape Town.

Labadii wakiil ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya ee Micheal Keating iyo Nicholas Kay oo u dhashay dalka UK.

READ MORE:  DEG DEG: Xaaladda Oo meel Xun Gaartay+HUB CULUS Qoryaha BM-ka Oo TUKARAQ hoosta la isugu Dhigay??

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO: Dhexdhexaadin laga dhex wado kooxaha Al Shabaab Iyo Mas’uuliyiinta Beled-Xaawo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladda amnigu ay ...
DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->