Mukhtaar Rooboow Oo U Tartamaya Xilka Madaxweyne Ee Maamulka K/Galbeed?

Afrikada, Koonfur-Galbeed: Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horay u soo noqday ku-xigeenka Amiirka Xarrakada Al-shabaab, laakiin sanadkii 2017da si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka baxay Ururka, ayaa hadda isku diyaarinaya in uu ka mid noqdo musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mukhtaar Rooboow ayaa xalay ka soo muuqday kulan magaalada Muqdisho uu kula yeeshay guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed doorashada bisha 11 sanadkan ka dhici doonta magaalada Baydhabo.

 

My beautiful picture

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay musharixiin oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti wasiirkii hore, Yusuf Baadiyow iyo Aamino Mursal.

Musharixiintan dhamaantood marka la eego waxaa ay u muuqdaa kuwo ku mideysan in tallada maamulka Koonfur Galbeed kala wareegaan Shariif Xassan Sheekh Aadan oo dhinaciisa siweyn ugu diyaar garoobay doorashada iyo in mar kale uu hoggaamiyo maamulka Koonfur Galbeed.

Mukhtaar Rooboow oo laga saaray Liiska Argagixisada Mareykanka ayaa wada kulamo uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada isaga oo doonaya in uu isku soo taago doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

READ MORE:  Banaanbax lagu diidan yahay Madaxweynaha DDSI oo ka dhacay magaalada Raaso

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: