Theresa May Oo ku Dhiirigelinaysa Maal-Gashatada in ay aadaan dalalka Afrika | Afrikada

Theresa May Oo ku Dhiirigelinaysa Maal-Gashatada in ay aadaan dalalka Afrika

Ra’iisulwasaare Theresa May ayaa ku dhawaaqi doonta in Britain ay sare u qaadi doonto maalgashiga Africa marka ay Midawga Yurub isaga baxaan, marka ay booqashadeedii u horraysay ku tagto qaaradda Afrika.

Hadal ay galinka dambe ka jeedin doonta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in ay ka dhihi doonto “In aysan ka xishoonaynin” in ay xaqiijiso in lacagta UK ay ku bixiso gargaarka Africa ay Britain-na ka faa’iiddo.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegi doonta in UK ay kaalinta hore ka qaaddo Mareykanka oo ay noqoto dalka maalgashiga ugu badan ku sameeya Africa marka laga hadlayo dalalka ku midaysan ururka G7 meesha lagu gaaro sannadka 2020.

Sidoo kale waxay booqan doontaa Nigeria iyo Kenya inta ay ku jirto saddexda maalmood ee ay ku jirto safarka ay diiradda ku saarayso ganacsiga

Inta ay safarkaas ku jirto waxay la kulmi doontaa madaxda saddexdaas dal iyadoo ujeedadeedu tahay in ay sare u qaaddo xiriirka dhaqaale iyo midka ganacsi ee koraya ee qaaradda, ka hor inta aysan Britain ka bixin Midowga Yurub 2019.

READ MORE:  2020 Tokyo Olympics: N324m Mobile Mosque Unveiled by Japan to Welcome Muslim Fans

Subaxnimada Talaadada ayay Koonfur Afrika safarka ka billaabaysaa waxaana la filayaa in May ay ku dhawaaqdo “qaab cusub oo hiigsi fog leh” oo ku saabsan gargaarka ay Africa siiso, iyadoo u adeegsanaysa in ay taasi ka caawiso in shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee Britain ay maalgashadaan qaaradda.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->