Riek Machar oo Saxiixay Heshiis Nabadeed

Afrikada, Jubba: Dhex dhexaadiye Sudaani ah ayaa sheegay in hoggaamiya mucaaradka ah ee Koonfur Sudan Riek Machar uu go’aansaday in uu saxiixo nuqulkii ugu dambeeyay ee heshiiska nabadda loogu soo dabaalayo dalka ay shanta sano dagaallada ragaadiyeen.

Machar ayaa kula saxiixay magaalada Khartoum madaxweynaha Koonfur Suudaan Salva Kiir nuqulka heshiis qeexayay awood qeybsi.

Kiir ayaa sidoo kale Talaadadii ku saxiixay Khartoum nuqulka la soo habeeyay oo heshiiska nabadda ku saabsan, balse waxa diidey in uu nuqulkaasi saxiixo Machar, isagoo su’aalo ka keeney tirada gobollada iyo xudduudadaha.
Maamulka Kiir ayaa gobolladii dalkaasi oo markii hore 10 ahaa ka dhigay 32 sanadkii 2015.

Waxaa ku jirta heshiiska in la sameeyo xabad joojin joogto ah iyo dawlad wadaag.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in lasiiyo Machar jagadiisii horee ahayd madaxweyne kuxigeenka. Dhexdhexaadiyeyaal reer Sudan ah ayaa shaaca ka qaaday in saacado cago jiid ah kadib uu aqbalay.

Heshiiska ayaa si kastaba ha ahaatee waxaa la saxiixi doonaa beri Khamiista ooy taariikhdu tahay 30. Wasiirka amuuraha dibada ee Sudan Al-Dierdiry Ahmed ayaa sidaasi u sheegay warfidiyeenka.

READ MORE:  BAQTIYAA NASIIB: Ka jawaab 10-kan Su'aalood Hel Abaalmarin Qaali ah..?

South Sudan ayaa ka go’day Sudan 2011, laakiin dagaalka sokeeye ayaa durba ka qarxay dalkaasi labo sano un kadib madax bannaanida.

Heshiiska ayaa u gogol xaaraya in K/Suudaan ay dhoofsato shidaalka ceyriin..


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: