M/weynaha Ismaamulka Oromada Oo ka Hadlay Soomaalidii Shalay la Laayay Oo Maydkooda la Keenay Jigjiga.?

Afrikada, Oromia: Madaxweynaha ismaamulka Oromada Lema Magarsa oo la hadlay warbaahinta Itoobiya qaarkeed ayaa sheegay in uu ka xunyahay waxa dhacay , wuxuuna ku baaqay in dagaalada la joojiyo.

Ninka lagu magacaabo Jowhar Maxamed oo ah nin caan ah oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha Oromada ayaa ka tacsiyeeyay Soomaalida la dilay, wuxuuna sheegay in uu aad uga xunyahay waxa dhacay.

Fariin uu kusoo qorey boggiisa Twitter-ka ayuu ku yiri “Waan ka xumahay in dad Soomaali ah la laayay iyada oo uu meesha ka baxay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo kuwii kale ee dadka isku diri jirey”, wuxuuna intaas ku daray codsi uu u jeediyay Soomaalida oo ah in aysan aarsanin.

Taliyaha booliiska Itoobiya Seynu Jamaal oo isna ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in ay xireen illaa 50 qof oo Oromo ah, kuwaas oo looga shakisanyahay in ay rabshadaha qeyb ka yihiin, wuxuuna intaas ku daray in ay ku raadjoogaan kuwa kale.

Balse madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar ayaanan weli ka hadlin rabshadaha soo cusboonaaday, taas badalkeedana waxa uu shalay booqday kaniisad ku taala Jig Jiga oo ay ku jiraan dad ku barokacay rabshadihii ka dhacay magaalada Jig Jiga.

READ MORE:  Xildhibaan Sheegaya in Dowladdu Koonteenarro Hub ah ka iibisay Al-Shabaab?

Si kastaba ha ahaatee, Inkasta oo uu meesha ka baxay maamulkii madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu eedeynayay in uu hurinayo colaadda Soomaalida iyo Oromada ayaa haddane waxaa wali socda rabshadihii u dhaxeeyay labadan qoowmiyadood.

Dhacdadii ugu dambeysay waxa ay dhacday 48-dii saac ee ugu dambeysay, waxaana lasoo xaqiijiyay in dad Soomaali ah oo 10 qof ka badan lagu diley deegaanada Baabili iyo Tuli Guuleed kadib markii dad hubeysan oo ka tirsan Oromada ay soo weerareen halkaas.

Meydadka dadkii la dilay oo la keenay magaalada Jig Jiga ayaa waxaa ka dhashay dareen shacab oo aad u xoog badan, iyada oo boqolaal qof oo isugu soo baxay isbitaalka hortiisa ay xirteen weer guduudan, islamarkaasna ay diideen in meydadkii la aaso illaa laga soo qabanayo dadkii dilka fuliyay.

Dad kala duwan oo Soomaali ah oo aan la xiriirnay waxa ay sheegeen in ciidan hubeysan oo Oromo ah oo abaabulan ay weerar ku hayaan tuulooyinka xudduuda ku yaala ee Soomaalida.

READ MORE:  DAAWO SAWIRADA: Qaraxii Caawa GILGILAY magaalada MUQDISHO+Ciidammada Oo sheegay In ay DABA-JOOGEEN gaariga QARAXA dhaliyey?

Sidoo kale waxa la xaqiijiyay in magaalada Diridhaba la geeyay dad meyd ah oo Soomaali ah oo dhexda lagu dilay iyaga oo safar ah.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: