DEG DEG: 5 askari Oo ciidammada Kenya ka tirsan Oo lagu dilay Gobolka W/Bari?

Afrikada, Kenya:  5 askari oo u dhashay wadanka Kenya ayaa lagu soo waramayaa ay dhinteen halka 10 kalena la dhaawacay maanta oo Arbaco ah kadib markii baabuur ay wateen uu dul maray miinada nooca dhulka lagu aaso ah.

Weerarkani ayaa ka dhacay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, sida ay ku warameyso wakaaladda wararka Reuters, isla markaasina ay shaaciyeen millitariga dalkaasi.

KDF oo ah ciidanka Kenya ma aysan sheegin in ay ogyihiin dadka ka dambeeya waxaana ay weerarka ku eedeeyeen wax ay ugu yeereen kooxo argagixiso ah oo ka dagaalama degaannada Lamu ee Kenya.

Bishii Agoosto 8-deedii ayey aheyd markii 5 ciidammada ka tirsan la dilay iyadoo dilalkaasi ay sheegteen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee degmada Lamu.

Kooxaha taageera Al-Qaacida ee Shabaab ayaa doonaya in ay afka ciida u geliyaan dowladda uu UN-ku taageero si ay dalkaasi ugu soo rogto xukun ad-adag oo ay u fasiraan in uu Islaam yahay. Waxa ay sii kordhiyeen weerarada ay ka wadaan wadammada deriska ah sida Kenya tan iyo intii uu wadankaasi Kenya ciidammadiisa soo geliyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011.

Ciidammada Kenya ayaa halgan adag kula jira kooxahan gaar ahaan meelaha xuduudaha ah ee u dhexeeya labada wadan

Kooxaha ayaa qaaday weeraro bahalnimo ah oo kala duwan oo ay ku jiraan kuwo dadka la gowracayo sanadkii tagtay waxaana ay weeraradaasi ka fuliyeen degaanka Lamu. Saraakiisha amniga Keny ayaa sheegay in mintidiinta ay isticmaaleen keyneta Boni Forest ee u dhaxeysa xuduudaha Labada wadan si ay halkaasi gabaad uga dhigtaan, isla markaasina weeraro uga soo qaadaan.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: