Ciidammad milleteriga Oo Marka Ku Dilay Nin Ruush Ah Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab? | Afrikada

Ciidammad milleteriga Oo Marka Ku Dilay Nin Ruush Ah Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab?

Afrikada, Shabeellada Hoose: Ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgal qorsheysan ku dilay sarkaal Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda federaalka ayaa waxaa xaqiijiyay taliyaha qeybta 12-aad ee ciidanka xoogga dalka General Cumar Dheere.

Jeneraal Dhere ayaa sheegay in sarkaalka Ajnabiga ah ee la dilay lagu magacaabi jiray Sheekh C/naasir Asar-bajaan oo u dhashay wadanka Ruushka.

General Cumar Dheere wuxuu kaloo sheegay sarkaalkan inuu Ururka Al Shabaab kaga soo biiray kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yaman.

“Ciidamada geesiyiinta ayaa hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Marko waxa ay ku dileen Horjooge ka tirsanaa nimanka cadowga ah ee Al Shabaaab oo lagu magacaabi jiray C/naasir Asar-bajaan, hawlgaladan waxa ay yihiin kuwa sii socon doona”. ayaa uu yiri General Cumar Dheere.

Hawlgalkan gaarka ah oo ay fuliyeen ciidanka 14-ka October ayaa inta uu socday sidoo kale waxaa lagu dilay 10 dagaalame oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay gudaha magaalada Marko.

READ MORE:  DAAWO: Rasaasta Oo dhaceysa TUKARAQ & Ciidamada P/land Iyo Somaliland oo isku Garaacaya Madaafiicda Goobta !?

Magaalada Marko tan iyo markii ay la wareegeen bartamihii bishan ciidanka xoogga dalka waxaa ka socda hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo, inta ay socdeenn hawlgaladan ayaa waxaa lagu soo qabtay xubno lagu tuhmayo Al Shabaab.

 

Horjooge C/naasir Asar-bajaan ayaa ahaa nin musiibo ah oo ka tirsanaa Al-Shabaaab

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->