Hey’adda Human Rights Watch Oo Soo dhoweysay Xariga Cabdi Iley | Afrikada

Hey’adda Human Rights Watch Oo Soo dhoweysay Xariga Cabdi Iley

Afrikada, Jigjiga: Kadib markii dhowaan la xiray madaxweynihii kililka 5-aad ee Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa maanta hadlay hey’adda Human Rights Watch.

Waxa ay hey’addu hore ugu baaqday in ciqaab la marsiiyo isla markaasina wax laga weydiiyo gaboodfalladii uu ka geystay gobolka Soomaali, ayaa soo dhoweysay xariggii dowladda Itoobiya u geystay adaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamed Cumar.

Waxa ay hay’addan ku baaqday in sidoo kale la xiro cid walbo oo ku lug laheyd xadgudubyo loo geystay shacab aan waxbo galabsan.

HRW waxaa ay sheegtay in ay taageersantahay xarigga loo geystay Cabdi Iley islamarkaasna tani ay bilow u tahay cadaaladda dhibanayaashii dambiyada Culus loogu gestay gobolka Soomaalida Itoobiya.

Human Rights Wach waxaa ay tilmaantay in ay rajeyneyso in xarigga Cabdi Iley uu xigo qabqabashada Saraakiishii ka dambeeyay in la dhibaateeyo Shacab aan waxba galabsan.

Hay’adda ayaa Madaxda Itoobiya ka dalbatay in ay hubiyaan in Maxkamadaha ay yihiin kuwo hufan sidoo kalena dhibanayaasha ay marqaati furi karaan.

READ MORE:  Carruuta yar yar Oo la kala afduubanayo magaalada Muqdisho

Xeer ilaalinta guud ee Itoobiya ayaa tilmaantay in Cabdi Maxamed Cumar Iley loo heysto gabood fallo ka dhan ah bani’aadannimada islamarkaasna la soo taagi doono Maxkamad.

Tani ayaa ka dambeysay isbedello ka dhacay dhulka Soomaalida Itoobiya waxaan Maamulkaasi loo doortay Madaxweyne cusub.

Dhanka kale waxaa jira xubno dhowr ah oo sidaan oo kale looga yeeray dalka Itoobiya kuwaasi oo lala xiriirinayo in ay qeyb ka ahaayeen gabood fallada uu geystay Maamulkii hore ee Iley.

Dacwadaha loo heysto Cabdi Iley?

War ay Fiidnimadii Xalay Faafisay Wakaalada Wararka FANA oo ka mida Hay’adaha wararka ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya uu sheegay in loo haysto Cabdi iley dacwado la xiriira Gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Lama oga caddeymaha xeer illaalintu maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geynayo Toona, balse waxaa Hadalka Xeer ilaaliyuhu uu meesha kasaaray in Cabdi loo haysto dambi uu ka galay deegaanka Soomaalida oo mudda dheer uu madaxwayne ka ahaa.

READ MORE:  DHAGEYSO: Odayaasha & Waxgaradka Laascaanood Oo yeeshay kulan Xasaasi ah

Cabdi iley oo kaliya ma’aha dadka maxkamada La horgaynayo balse warbaahinta Itoobiya waxay sheegaysaa in sidoo kale booliisku soo xirayaan dad kale oo Cabdi ku xirnaa, kana mid ahaa xukuumadiisa, kuwaasi oo wali magacdooda si rasmi ah aysan warbaahinta Itobiya u shaacin.

Isku soo wada duube dacwada Cabdi iley loo Haysto ayaa ah mid ku Kooban Kiisas Gaar ah oo ay maamulka Oromada iyo madaxda Addis ababa isla Qoondeeyeen, taasi oo ah kaliya Aar Goosi siyaasadeed oo marna-ba aan laga filayn cadaalad iyo wax u eg Toona.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DHAGEYSO: Dhexdhexaadin laga dhex wado kooxaha Al Shabaab Iyo Mas’uuliyiinta Beled-Xaawo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wararka inaga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladda amnigu ay ...
DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->