DHAGEYSO: Madaxweyne Xaaf Oo Qiray In uu weli jiro Khilaaf ka dhex aloosan Galmudug

Afrikada, Dhuuso-mareeb:  Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Ducaale Xaas ayaa sheegay in uu weli jiro khilaafkii ka dhex taagnaa madaxda maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in weli uu jiro khilaafkaas oo aan la dhameyn balse uu rajeynayo in wixii mad madow ah ee jira xal laga gaari doono.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug ay heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Muqdisho 13-kii Bishii hore laakiin heshiiskaas kadib uu qorshuhu ahaa in ay soo wada aadaan Dhuusamareeb balse taasi oo, sida uu sheegay, suuro gali weyday.

“Runtii markii aan ka soo laabtay Shirkii Biljamka waxa uu qorshuhu ahaa aniga iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka inaan dhuusamareeb tagno laakin weey suurtageli weysay,sababta ay u suurtageli weysay runtii waa waxyaabo iska jira laakin waa laga guuleysan doona ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa horey guulo uga gaaray in uu dib u heshiisiin ka fuliyo gobolka ku yaal bartamaha Soomaaliya ee Galmudug, walo ay jiraan caqabado maxali ah oo dhanka gudaha dowladda Galmudug ah.

READ MORE:  Madaxweyne Xaaf oo ku Gacansayray Baaqii Madaxweyne Farmaajo

HALKA HOOSE KA DAAWO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: