DEG DEG: Gubernatooraha Is-maamulka Gaarisa Cali Qorane Oo Xabsiga la Dhigay DAAWO | Afrikada

DEG DEG: Gubernatooraha Is-maamulka Gaarisa Cali Qorane Oo Xabsiga la Dhigay DAAWO

Afrikada, Gaarisa: Waxaa la xiray gubernatooraha is-maamulka Gaarisa mudane Cali Bunow Qorane. Wararku waxa ay sheegayaan in Cali Qorane xabsiga loo sii wadey iyada oo ciidamo ka tirsan booliska ay ka wateen gurigiisa.

Hogaamiyaha ismaamulka Soomaalida Kenya ayaa lagu xiray eedeeymo la xiriira in uu amray dad la sheegay in ay dil u geysteen amaba xabad madaxa uga dhifteen qof ka tirsanaa saraakiishii hore ee dowlad goboleedka Gaarisa.

Warbaahinta Kenya ayaa saaka mar qura la soo baraarugtay in Cali Bunow uu ku jiro gacanta laamaha amniga dalkaasi Kenya, iyaga oo sheegay in baaritaanno lagu wado.

Xarunta dhexe ayaa su’aalo lagu weydiinayaa si loo ogaado cidii ka dambeysay dilkii loo geystay wasiirkii hore ee maaliyadda hore ee dowlad goboleedka Gaarisa mudane Idris Muktar oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka.

Korane ayaa gacanta lagu dhigay isaga oo jooga gurigiisa oo ku yaal degmada Kilimani Subaxnimadii maanta ee Talaadada aheyd.

ilaha aynu wararka ka helayno ayaa shegaya in toogashada aan lagu xariirin karin darxumada soo gaartay Muqtaar iyo labo qof oo kale kuwaasi oo uu hore shaqada uga ka tiray gubernatooruhu.

READ MORE:  DAAWO SAWIRADA: Faahfaahinta Qaraxyadii maanta Gilgilay Caasimadda Muqdisho?

Maxkamadda ayaa amartay in 3-da dhibaneyaal lagu sii daayey in ay bixiyaan lacag dhan 53 milyan oo magdhow ahaan loo bixin doono.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->