DAAWO: Muuqaal Sir ah Oo laga soo Duubay Qaabka loo toogtay Wasiir ka tirsanaan jirey maamulka Gaarisa

Afrikada, Gaarisa: Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in saaka la xiray barasaabka dowlad goboleedka Gaarisa mudane Cali Bunow Qorane, wararku waxa ay sheegayaan in barasaabka loo heysto nin wasiir ah oo ka tirsanaa maamulka golaha wasiirada ee degaanka Gaarisa.

Dilka ayaa loo geytay wasiirkii hore ee maaliyadda ee dowlad goboleedka Gaarisa mudane Idris Muktar kaasi oo markii shaqada laga ceyriyey dabagal lagu soo sameeyay isla markaasina 4 xabadood madaxa looga dhiftay. Baareyaasha ayaa sheegay in la adeegsaday bistoolad uu lahaa barasaab Bunow Qorane taasi oo markii la baaray la ogaaday in xabadaha la riday ay ku sharciyeysan yihiin bastooladda uu lahaa barasaab Cali Bunow Qorane. Sidaas darteedna saaka laamaha amniga ayaa gurigiisa ka kaxeystay barasaabka.

Muuqaalka hoose waxa uu muujinayaa dilka iyo sida uu u dhacay.

Ninkan la toogtay ayaa ahaan jirey wasiirka maaliyadda ee Gaarisa waxaana uu haatan ku jiraa cusbitaal isaga oo koomo ku jira, waxaana dhaqaatiirtu aad uga naxsan yihiin in ay soo bixiyaan rasaas madaxa qeybtiisa dambe ku jira oo ay ka dhowrsanayaan in ay dhaqaatiirtu ka soo saaraan rasastaasi, iyagoo ka digaya in ay taasi khatar keeni karto.

READ MORE:  LIVE:Tartanka Koobka Kubadda Cagta Ee 2018 Oo Moscow ka furmay

Maxkamadda ayaa laga dhursugayaa iyadoo baaritaannadu ay socdaan arrinta ugu daran ayaana ah in rasaasta ninkani lagu riday ay lambarada rasaastaasi ay sheegayaan in ay yihiin xabbado kuu diiwaan gashnaa barasaabka bistolad uu isagu lahaa.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: