Daacish Oo sheegatay mas’uuliyada Dil ka dhacay Muqdisho

ISI oo ah koox qaarkood ku soo firxadeen Soomaaliya isla markaasina ka dagaalama degmooyinka qaarkood ayaa sheegay in ay iyagu mas’uul ka yihiin dil loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka sirdoonka dowladda Somaaliya, dilka ayaa ka dhacay Isgooyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in Shaqsiga ay dileen uu ka tirsanaa Ciidanka Sirdoonka Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Daacish ayaanan sheegin shaqsiga ay dileen Magiciisa marka laga soo tago inay sheegteen inuu ka tirsanaa Sirdoonka Somalia mana jiraan ilo ka madax banaan oo xaqiijin kara in wiilka Dhallinyarada ah ee ay Daacish dishay uu ka tirsanaa Sirdoonka Dowladda.

Hase yeeshee, Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ayaa inta badan waxa ay sheegtaan Mas’uuliyada Dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka.

READ MORE:  AKHRISO: Askari Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Nin shacab ah U dilay Wax ka yar "HAL DOOLAR"

<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: